Maxaad laga filayaa Dawlada cusub? Waa se kuwee adeegyada aad is leedahay wax kaqabasho degdega ayay u baahanyihiin?


Xaaladaha adag ee adeeg-bulsho xalkeeda hore ha loo abbaaro.

 

Maxaad laga filayaa Dawlada cusub? Waa se kuwee adeegyada aad is leedahay wax kaqabasho degdega ayay u baahanyihiin?

——————————————————

Adeega Caafimaadka.

——————————————————

Marka la eego xaalada guud ee adeegyada caafimaadka aasaasiga ah oo gebi ahaanba gabaabsi ah, dadkuna ayna helin adeegyo caafimaad-aasaasi oo gebi ahaanba bilaash ah ama tayaysan.

waxa umadda cabashadeeda ugu weyn ee dhanka caafimaadka ay ka taagantahy tayada waa:

1.dawada,

2.baadhista

3. adeeg bixyayaasha caafimaadka, kuwaas oo qaarkood aanay aqoon hore u lahayn adeegyada caafimaadka iyo qaar xifadoodu yartahay walaw ay jiraan kuwo u leh aqoon ku filan.

Xanuuunada bukaanka oo ay mararka qaar sabab u tahay isticmaal dawo taydeedu  hooseyso, si khaldan loogu qoray kadib baadhitaan khaldan, mid u qoray adeege caafimaad o aan khibrad ulahayn  iyo inu ku soo gadatay ama iibsadey hab aan sharaciyaysnayn. Dhibaatoyinkaas oo mararka qaar sabab u noqon kara adeegyo dibedda ah, oo aanu qofku goyn kerin.

Iyada oo aanay ahyn baahida ugu weyn ee imika taagan in la sameeyo qolal ku magacaaban cusbitaalo, kuwaas oo aan  lahayn adeegyo hufan ama u adeegayaaal tayo leh.

Iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaasi, hadii aan milicsano barnaamij siyaasadeedka dawladda cusub ee uu gadh-wadeenka ka yahay Mudane: Muuse Biixi Cabdi, waxa ku xusan tiirka 1.2.2.4, 5,6,7,10  iyo 1.2.3.2,4 iyo 5 oo u dhigan sidan:

1.  Waxa uu curin doonaa Xafiiska Agaasinka Wasaaradda Caafimaadka, kaas oo u xil-saaran kormeerka, dabagalka hufnaanta iyo tayada adeegyada caafimaad ee bulshada loo fidinayo. Agaasinkaas oo yeelan doona awoodo sharci oo ay hawshooda ku gutaan.

 

2.  Waxa uu kobcin doonaa hab-maamulka cisbitaallada iyo goobaha caafimaadka ay xukuumaddu maamusho.

3.  Waxa uu dejin doonaa siyaasad lagu hubinayo hab-maamulka iyo tayada xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

 

4.  Waxa uu dejin doonaa Siyaasadda Dawooyinka Qaranka (National Drug Policy) oo ah siyaasadda lagu hagi doono dawo soo dejinta, dhoofinta, iibinta, kaydinta, isticmaalka iyo ka baayac mushtaraynta dawooyinka.

 

5. Waxa uu xakamayn doonaa iibsiga dawooyinka aan dhakhtar qorin marka laga reebo kuwa la isla yaqaan ee aan u baahnayn warqad dhakhtar.

 

 

6. Waxa uu dhiirrigelin iyo tayayn ku samayn doonaa Jaamacadaha iyo Kulliyadaha soo saara Dhakhaatiirta, Kal-kaaliyayaasha, Shaybaadheyaasha iyo Maareeyayaasha goobaha caafimaadka.

 

7. Waxa uu dhisi doonaa Xarunta Shaybaadhka Qaranka (National Laboratory Centre), kaas oo awood u leh in uu hubiyo tayada dawooyinka, shidaalka, biyaha, cuntada iyo kimikooyinka dalka la keeno.

 

8. Waxa dib loo qaabayn doonaa Wakaaladda Maamulka Tayada (Quality Control Agency), waxaana loo beddeli doonaa Wakaalad Madaxa-bannaan oo hubisa fayo-qabka, tayada cuntada, daawooyinka iyo dhammaan kiimikada dalka la keeno (National Food, Drugs and Chemicals Control Agency).

 

Marka laga duulayo caafimaadka, ah na kaabaha keliya ee qofku hadii anu haysan tacliin heli Karin, shaqo aadi kerin, hanta dhaqan karin misna aanay uba codeyn Karin curinta dawlada cusub. Shacabka Somaliland waxay  kaaga fadhiyaan  hubinta hab-maamulka iyo tayeynta xarumaha caafimaadka,misna gaadha cidhif ilaa cidhif dalka, taas oo aan loo sii dul qaadan Karin xaaaladaha ka jira cusbitaalada qaar.

Mohamed Abdiqadir Jambir

Email: dr.jambir21@gmail.com

Phone: +8801748495083

Dhaka, Bangladesh

Advertisement

Ku Xayeysiiso