La taliyaha amnniga qaran Ee Trump Oo sheegay inay ka Hortagayaan nukliyeerka K/waqooyi

Hargeysa(Toggaherer)-La taliyaha amnniga qaran Ee Trump Oo sheegay inay ka Hortagayaan nukliyeerka K/waqooyi.

Maraykanka ayaa soo wada qorshe lagu ciqaabayo dawladaha ganacsiga la sameeya Kuuriyada Waqooyi

Lataliyaha ammniga qaranka madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay si weyn ugu dadaalayaan la tacaalida mushkilada niyuulerka Kuuriyada Koonfuteed ka hor inta aysan ku guuleysan hamigeeda barnaamijka niyuuklerka.

H-R McMaster oo ka hadlayay kulanka wasaaradda gaashaandhiga oo ka dhacay California ayaa digniin ku bixiyay in suuragalnimada dagaal lala galo Kuuriyada Koonfureed uu maalin kasta soo kordhayay.

H-R McMaster, ayaa intaasi ku daray in ay jireen qaabab kale oo lagu wajihi karo dhibaatada oo ka dhaaw gacan ka hadal hubeysan.

Waxa uuna ugu baaqay Shiinaha inay kusoo rogaan xayiraad guud oo dhanka shidaalka ah Kuuriyada Waqooyi, si Pyongyang ay ugu adkaato shidaal u helida gantaalada ay tijaabineyso.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu yahay dagaal huriye.

Advertisement

Ku Xayeysiiso