Roodhi laga sameeyay baranbaro oo gashay suuqyada Finland!!!

Mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn Finland ee iibiya Cuntada ayaa sheegtay in Furinkii ugu horreeya ee laga sameeyey cayayaanka ay soo saartay ka dib markii isbeddel lagu sameeyay sharciga Finland.

Marcos Hiltsrum madaxa waaxda wax soo saarka Furinka ee Vatser Group ayaa sheegay in hal-ka Xabo ee Furin ahi qiyaastii ka kooban yahay 70 xabo oo Baranbarooyinka Guryaha oo la qalajiyey iyada oo la daqiijiyey laguna daray budo ama bur, sida uu u sheegay Wakaalada Associated Press..

Hillstrom ayaa sheegay in Baranbaradu ay ka dhigantay Boqolkiiba Saddex miisaanka kimista.

“Dadka Finnishka ah waxaa lagu yaqaan inay rabaan inay isku dayaan inay waxyaabo cusub sameeyaan,” sida laga soo xigtay wargayska Fatser. “Dhadhanka wanaagsan iyo qulqulka badan” ayaa ka mid ah heerarka ugu muhiimsan ee kimista.

Sharciga Finland ayaa isbeddelay November 1-deedii oggolaadayna iibinta cayayaanka sida cuntada, ayuu Hilstrom ku sheegay hadal uu soo saaray.

Kooxdii ugu horeysay ee “roodhi baranbaro ah” ayaa lagu iibin doonaa magaalooyinka waaweyn ee Finland Maanta oo Jimce ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso