Madaxweynaha Turkiga ayaa U joojiyay Khudbadiisii Baarlamaanka Inan Yar oo Ku Tidhi Awoowo Erdogan Uguna Jawaabay Waan Ahay!!!

Fiidiyoow Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si weyn loogu baahinayaa una dhex qaadaya baraha shabakadaha bulshada Fiidyawga ayaa waxa ka soo muuqanya Erdogan oo Khudbad ujeedinaya baarlamaanka Turkiga Ayaa waxa khudbada ka soo dhex galaysa Inan Yar.

Waxa uu yeedhaysa Inan yar oo la socotay hooyadeed iyagoo joogay Xaga sare ee golaha baarlamaanka kana danbeeya Halka ay Fadhiistaan Xildhibaanada Turkiga, Waxayna Tidhi “Awoowo Erdogan”, madaxweynaha Turkiga ayaa joojiyay hadalkii uu watay oo uu uga jawaabay “Waan Ahay” ka dibna waxa la isku daray qosol iyo Sacab dhamaan xildhibaanada iyo Goobjoogayaashiba.

Dadkii Ka faalooday badankood ayaa ku amaanay Madaxweynaha Turkiga Tixgelinta Inanta yar, Erdogan ayaa hadiyad siiyay Inanatii Yarayd.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso