Xog Waxa yaalaha Dhabtaa ee sababay inuu hadho Xisbiga wadani+ Xaga uu ku Danbayntoono Mustaqbalka,Rajadda Ciro ,Hanka Xirsi mayalka Cabdi qaadir iyo Diyaargarowga Maxamed Cali.

Dhamaan waxaa sharaf iyo karraamo  iga mudan bulshadda soomaliland meelkasta iyo dalkasta oo ay joogan .

Intaa ka dib waxaan manta qalinka u hoshay inaan  qoraal kooban ka idhaahdo Guuldaradii Lasoo deristay xisbiga wadani u qaadan waagii bulshadda soomalailand.

Waxaad wadda ogaydeen Tar-tankii qadhaadhaa ee ay wadda galeen xisbiyadda siyaasadda soomaliland ee Wadani Ucid iyo Kulmiye .

Taas oo uu markii ugu danbaysay uu ku guulaystay  Xisbiga Taladda Dalka hayee Kulmiye inkasta oo Xisbiga Wadni ku eedaynaayay Ku shubasho iyo is daba marin coded ,halka uu xisbiga kulmiyana gaashanka u daruuray .

Iyadda oo uu  xaalku  halkaa heehaabayo   waxaa tanaasul gobeed muujiyaay Musharax xisbiga wadani iyo Madaxdiisa kale ,taageerayaashiisa iyo Deegankiisaba.

Xaalku wuu adkaaday Komishinka qudhoodo waxaa ka muuqday walac ay ku dheehtay baqdin ay ka qabeen is qab qabsi siyaasadeed oo yimadda madama lagu xamanaayay Wax is daba marin lakiin ay diideen .

Hadaba waxaa maxay tallaabooyinka aynu is odhankarno waxaaa sabaab u ahaa inuu hadho xisbiga wadani ,hadaad wadani tahay hayga cadhoon ,hadaad kulmiye tahayn ha ku raaxaysan ,hanna moodin inan adiga kula garab ahay.

Aniga waxa aan qabaa in xisbiga wadni uu aad u dadaalay oo aanu la hadhin Xoog     Xooglo iyo Xeeldba hadana  waa laga guulaystay waxanaan odhankarnaa waa u sabaab :

  1. Xisbiga wadani waxa  uu xilaalkii ku tahay rag dhalinyaraa oo aan waayo aragnimo badan lahayn.
  2. Waxa ay saha shadeen Olalaha kulmiye oo  ay is dhaheen waxaa nacay bulshadii ,oo waxaad cidla ka helaysaan Kursiga .
  3. Waxa ay is dhaheen wa kuwan ka soo wadda yaacaay Udub dhaxaadkii xisbiga kulmiye .
  4. Qabyaaladda uma aanay adeegsan sida uu kulmiye u adeegaday  oo waxa uu kulmiye socday Qabiil qabiil Raas raas iyo Jifo jifo ,waxaana arrinkaa rug cadaa u aha odayaasha kulmiye ,halka wadani dhalinyaro u adeegsanayay gobol ,Degmo Qaarad iyo Qurbaaba.
  5. Wadani maa uu jirin sanado badan oo uu waayo aragnimo dheeradda ku helo .
  6. Kulmiye oo ay caawinaysa dawladu dhamaan ilaa madaxtooyo iyo Dawlad hoose .
  7. Beelo iyo deegano uu wadani isku halaynaayay oo cod u qaybiyay xisbiyadda .
  8. Wadani waxaa sharaxnaa Musharax faysal oo ay isku deegan kasoo jeedan Ciro,isna waxa uu la dagay cod saa idea.

Qodobada ma wadda mari karno waxaanaan hubaa inaan ka tegay qaar aad niyadda ku haysaan.hadaba waa side rajadda wadani iyo madaxdiisuba .

Ciro waxa uu qabaa rajo fiican maadaba uu markiisii tanaasulay,Xirsi waa u u dadaal si uu  wadani kursiga u saaro muusana uga adkaado ,imikana xirsi waxaa uu xoojinayaa aqoontiisa waxaana laga yaba inuu doonto shahaadada BHD. Jirde waxaa uu guntiga dhiisha iskaga xidhayaa sidii uu intaa u xidhilahaa dabino badan oo uu hadhow u maro waddad guusha .

Maxamed cali waxa uu isku duba rid ku samaynayaa Deeganka awdal oo uu dhaqaale iyo taageeera ka doonayo si aanu mardanbe salanka uga dhicin .

Waxanay guud ahaan Xoojinayaan Xulufo siyaasadeed oo ay wadaagan kursiga si daaqadda looga saaro xulufadda kulmiye iyaga oo sugaaya garabka huleela marka ay waayaan gudoomiyaha xisbiga .lasoco q2aad .

 

 

 

Mukhtar Mohamed jamac xaaji diiriye

Burco/soomaliland

Email :Mukhtaar_1991@htmail.com

 

 

Click here to ReplReply to all, or Forward

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso