Madaxweynaha la doortay iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Oo Ku Kulmay Aaska  marxuum Axmed Yaasiin Gabi-xaddi 

Hargeysa(ToggaHerer)-Madaxweynaha shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi CIrro iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan.
Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI dhexmaray oo ka dhacay duleedka Aaska marxuum Axmed Yaasiin Gabi-xaddi oo maanta lagu aasay xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa oo ay labadooduba ka qaybgaleen, waxana ay kulankaas madaxweynaha iyo guddoomiyuhu ku muujiyeen inay diyaar u yihiin wada-shaqayn iyo ka wada qaybqaadashada qarannimada Somaliland.
Madaxweynaha iyo wehelinayeen xubno kamid hoggaanka KULMIYE, wasiirro iyo dadweyne kale oo aad u tiro badani, ayaa si kal iyo laab ah u qaabilay dhammaanba xubnihiii katirsanaa xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayey Cabdiramaan Cirro, waxana uu u sheegay inuu u baahan yahay sidii loo abuuri lahaa jawi wada-shaqayneed oo labada dhinac dhexmara, si loo xoojiyo midnimada umadda.
Kulanka madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isagu ahaa murrashaxii jagada madaxweynaha xisbiga uga qaybgalay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay, ayaa marag ka ah sida ay dhammaanba shacabka reer Somaliland iyo masuuliyiintoodu

Advertisement

Ku Xayeysiiso