Inuu Daayinkeen kun كن yidhi, Dawada uu Muuse Sido

Waxaa baraha bulshada iga soo gaadhay qoraal yar oo maad iyo xifaale ahaa, halkudegiisu ahaa waa maxay dariska laga bartay Doorashadii Madaxwaynaha?

Markaan akhriyay, waxaa igu soo dhacday hees kaftan iyo maad noqon karta. Waxa kasoo daba dhacay firkarka ah, malaa hees kaftan ah, waxaa ka haboon mid murti iyo waxsan sheega ah. Waafaqsan Kalmadii Dayibka ahayd Rasuulkeena Maxamed tilmaamay. Heestaasi waa tan:

Inuu Daayinkeen kun كن yidhi,

Dameerahu waylo dhali,

Daaqada Ictiraafku yaal,

                   
Dariska maanta weeye ee            
Ku duug qalinkoo ogow!

 

Inuu Daayinkeen kun كن yidhi,

oo ay Duniduba isrogi,

Dalkaas Dimuqraadiga ah,

Ayaa duudsiyay la odhan?

Dariska maanta weeye ee,

Ku duug qalinkoo ogow!

Inuu Muuse dawada sido,

Duraygaba saarilayd,

Qabyaalada doorin layd,

Dadkeenu walaalo noqon,

Dariska maanta weeye ee,

Ku duug qalinkoo ogow!

Dalkeenu inuu hormari,

Durdurka Nicmadiisu badan,

Ilaa Daaliyo Jifadda (Jifo Micidheer),

Buuraha dahab soocan noqon,

Dariska maanta weeye ee,

Ku duug qalinkoo ogow!

Inuu Daayinkeen kun كن odhan,

Inuu dalabkiisa fulo

Dunida kaligiis xukumo

Daacadi ma hungowdo yidhi,

Dubaaqaaga gali, Adeer

Taasoon dafiraad lahayn!

Somaliland Ha Jirto, oo ha joogto, ilal Abid….. Aamiin

Ahmed M. Adam (Doob baje)

Toronto, Canada

E-mail: ahmedm.adam@yahoo.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso