Dubai Oo Fulisay Xukunka Nin Dilay Ilmo Yar oo Sideed Sanno Jir ah.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dubai Issa Al-Humaidan ayaa Khamiista maanta sheegay in dil lagu fuliyay nin reer Urdun lana yidhaa Nidal Issa Abu Ali ka dib markii lagu helay dambi ah Kufsi iyo dil uu u geystay ilmo yar oo la yidhaa Obaida.Sida uu qoray wargayska Al-bayaan.

Maxkamad ku taala Dubai oo ah maxkamada sare ee garsoorka ayaa xukunka ayiday in la dilo ee Eedeysanaha reer Jordan ee 50 sano jirka ah laguna xukumay dilka cunuga Obeida.

Ninkan ayaa Markii La Tooganayay Waxa Goob Joog ahaa Aabaha Wiilka Yar Ibrahim Sidqi.

Waxa la ogaaday in eedaysanuhu diley ilmo yar oo u dhashay dalka Jordan lana yidhaa Obaida (8 sano jir) ka dib marki uu ciijiyey, ka dib markii uu ku afduubtay baabuurkiisa Kufsadayna.

Bishii Agoosto Maxkamadda Dembiyada ee Dubia ayaa ku xukuntay dil kaddib markii lagu helay dambi dil badheedh ah waxaana taageertayb xukunkaa Maxkamadda Racfaanka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso