Doon ay Saarnaayeen 45 Tahriibe oo lagu Waayay xeebta Giriigga

Kooxaha ilaalida xeebaha ee Giriigtu ayaa bilaabay inay raadiyaan doon yar oo la waayay meel u dhow magaalada Pelos (galbeedka Peloponnese) dootan oo ay saarnaayeen 45 qoxooti.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Athens mid ka mid ah tahriibayaasha doonida ayaa adeegsaday adeegga gurmadka degdegga ah ee Yurub waxayna waydiisteen caawimaad isaga oo tilmaamaya in Matoorka Doontu ciladoobay.

Waxaana ku Biiray Raadinta Doontan Markab ka mid ah Kuwa Ilaalada Xeebaha , markab kalluumeysi iyo helikabtar milatari.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) 160,000 oo muhaajiriin ah ayaa ka gudbay Bada Cad Si ay u gaadhaan Yurub ilaa bilowgii 2017. Qiyaastii 75% iyaga waxay tageen Talyaaniga inta soo hadhayna Greece, Cyprus iyo Spain Ku dhowaad 3,000 qof ayaa ku qaraqmay badda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso