Caqabadaha Horyaala Madaxweyanaha Cusub+Duufanadda Siyaasadeed iyo Kala Fogaanta Beelaha Soomaliland Mayahay Mid ka bixi kara.

 Caqabadaha Horyaala Madaxweyanaha Cusub+Duufanadda Siyaasadeed iyo Kala Fogaanta Beelaha Soomaliland Mayahay Mid ka bixi kara.

 

Dhamaan waxaa sharaf iyo karraamo  iga mudan bulshadda soomaliland meelkasta iyo dalkasta oo ay joogan .

Intaa ka dib waxaan manta qalinka u hoshay inaan waxa kooban ka dhah xaaladan kala duwan ee kala guurka iyo isbedelka dawladeeda inaan wax ka dhaho.

Waxaynu galaynay doorasho ay aad u saraysay xilaftanka siyaasadeed dhexyaalay musharaxiinta iyo taageerayashooduba ,laakiin ilaahay inoogu dhamee nabad iyo isu tanaasul dhaqameed oo anigu odhanmaayo isu tanaasul siyaasadeed waayo Tanaasulka ciro waxaa dabadda ka riixayaay  beelo  doonayaay inaan la qixin ,balse siyaasiyiinta abadankooda waxaa ka go,naa           Dagaaal.

Maalintii Taariikhdu  ahayd 21/11/2017  maalin saalisa waxaa  lagu dhawaaqay in dalka doorashadii ka dhacday uu ku guulaystay Musharaxii Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Xildiid iyo Ku xigeenkii Musharixii Madaxweyne-ku xigeen  Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici waxana uu doorshadda ku helay ama keenay codadkan :

  • Kulmiye  waxa uu keenay :305909- 55.19%
  • Wadani waxa uu keenay :226092- 40.73%
  • Ucid waxa uu keenay :23,141-4.1%

Iyadda oo ay sidaa u dhacday hadana waxaa jiraya tabashooyin ka imanayaay  xisbiga wadani lkn ma jirin waxa cabashaa oo ka imanayaay xisbiga ucid.

Hadaba Madaxweyne muuse waxaa horayaala caqabado badan oo u baahan Calool adayg iyo qalbi adayg  watta siyaasadad xadaaradeed  waxaana ka mid dhibaatooyinka hortaala :

1-Magacaabidda Xukuumadiisa ilaa wasiiro ilaa badhasaabo oo ay guntiga wadda haystaan Xukuumadii dhisnayd iyo masuuliyintii kale ee xisbiyadda kale uga timi oo ay horbodayaan Jamal cali huseen  ,axmed muuminseed  ,iyo Cabdirashiid xasan mataan  iyo  axmed ismaaciil samatar Cali waran cadde ,Cawil cali ducaale (Yaab aduun).

2-Wareejinta Gudoomiyaha Xisbigaa oo habar jeclo Ganbadh ugu fadhido iyo sacad muuse oo aan hungurigii ka dhamaan .

Isla habar jeclo dhaxdeeda oo uu dhexyaalo –Dagaal u dhaxeeya ina kaahin iyo maxamuud xaashi oo ay lakala safanyiin ,muusana waxay ku noqonaysaa labo daran mid dooro..

3-Ciida gale iyo arab oo iyanna hargaysa iyo madaxtooyadda dhaxdeeda iyo dibadeedaba la tuban mucaaradnimo 7sanno ee soo soctaa.

4- Habaryoonis oo dhacday isla markaana dhaqaale xoog xamaasad iyo dhidid iyo qaylaba ka dhamaatay ,oo waliba ku darsoo loo badheedhay ,isla markaana dirsanaysa ,xadhig ,xil laa,aan iyo xulafaysi beeleed .

5-Ka dhabaynta balanqaadyadii doorshadda iyo la macaamilka dawladaha jaarkaa oo qaar ka soo horjeedaan muuse isla markaana u arka libaax barqo jooga oo waliba gayiguna abaar yahay .

6-Beelaha muuse biixi ka soo jeedo iyo beelaha ciro ka soo jeedo oo kala fogaaday kuna darsoo waa walaalo ay ka dhaxayso Dal Dad,Diin iyo Dan.

Hadii aynu  is nidhaahno tiriyaaya ka goyoon mayno lkn waxaas oo dhan waa ay hor-yaalana muuse biixi waxaanad moodaa inay xaaladu ku adkaanayso inkasta o uu yahay nin calool adag .

Waxaynu dhawrnaaba waa sidda xaalku noqdo ,ilaahay waxaynu uga baryaaynaa inuu u fududeeyo hawlahaa soomalilandna nabad inooga dhigo .

Mukhtar Mohamed jamac xaaji diiriye

Burco/soomaliland

Email :Mukhtaar_1991@htmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso