Wasiirkii Horee Wasaaradda Caafimaadku Wuxuu Uumiyuhu Uga Marag-kacayaa Inuu Ahaa Wasiir Qaran Oo Kasbaday Kalsoonidii Shacabka Somaliland.

Wasiirkii Horee Wasaaradda Caafimaadku Wuxuu Uumiyuhu Uga Marag-kacayaa Inuu Ahaa Wasiir Qaran Oo Kasbaday Kalsoonidii Shacabka Somaliland.

Dr. Xusseen Muxumed Maxamed

 

Wasiirkii caafimaadkii hore Dr. Xusseen Muxumed Maxamed (Xusseen Xoog).

Wuxuu ahaa wasiir ku sifoobay waxqabad muddo xileedkii uu xilka ka hayay wasaaradda caafimaadka.

Wasiir xusseen xoog waxay Somaliland uga marag-kacaysaa inuu ahaa wasiirkii caafimaadka ee abid soo mara JSL. Uguna waxqabadka badnaa. Wuxuuna ahaa wasiir ay ka go”antahay wax u qabadka bulshadiisa.

Dr. Xusseen xoog wuxuu ahaa wasiirkii markii laga qaaday xilkii uu u hayay wasaaradda caafimaadka ay dhammaan bulshooyinka ku nool gobolada dalku ay dhamnaantood u wada ooyeen xil ka qaadistiisa.

Waxa laga hayay wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waligay masuul aan ka naxo xil ka qaadistiisa wuxuu ahaa Dr. Xusseen xoog.

Dr. Xusseen Muxumed Maxamed (Xusseen Xoog). Wuxuu rabbi ku galaday:-

¤. Masuuul-nimo

¤. Waxqabad

¤. Aqoon

¤. Lilaahinimo

¤. Xalaal Miirad

¤. Alle Aqoon &

¤. Shaqadiisa oo uu garanayay.

Anigu shakhsiyan waxaan ahaa shaqaalihii wasaaradda caafimaadka xiligii uu wasiirka ahaa waxaanan markhaati ka ahay inuu xalaal miirad aanay u gabban waslad xaaraani.

Waxaan markhaati ka ahaa marka ay cidi soo martido wuxuu u diri-jirey meheraddiisa, oo walaahi shilin qaranku leeyahay inaanu wali cid ku marti qaadin.

Intii uu wasaaradda joogay waxyaalaha aan ku xasuusto waxa ka mid ahaa:-

♡. Keenista mishiinka kelyaha lagu sifeeyo oo maanta aynu wada ognahay sida loogu aayay.

♡. Keenista mishiinka quality control-ka oo ilaa maanta ku xidhan makhsinkii la dhigay maalintii la keenay.

♡. Dhakhtarada gobolada dalka oo dhan oo uu ku wareejiyay haayado caalamiya oo qof waliba uu markhaati ka ahaa. Faa”iidadii ka soo hoyatay-na la wada arkayay.

Bini-aadamku way iska maseyr badanyihiin dadka inta isku xirfadda ahina way iskugu Sii Darabyihiin. Oo Waxa Dhacday Xiligii Uu Wasiirka Caafimaadka ahaa inay gabi ahaan-ba ka digo rogtaan dhakhaatiirtii waaweynayd cisbatalka weyn ee magalaada hargeysa iyagoo furtay dhakhtarka gaara oo la magac baxay Gar-gaar hospital si ay sxb-kood Dr. Xusseen Xoog dhabarka uga jabiyaan. Laakin nin alle wakiishay ma iisho oo W

Wuxuu ka hawl-galay keenista dhakhtaro ajanibiya sida dhakhtarka Ruushka ah ee ilaa maanta jooga cisbitaalka weyn ee magaalada hargeysa oo wlhi mushaharkiisa uu siin jirey dhakhtarka Ruushka ah.

Waxqabadka Dr. Xusseen xoog halkan kuma soo wada koobi karo. Laakin la soco qaybaha denbe.

Sababihii keenay xil ka qaadistiisa waxa ugu weynaa;

  1. Shaqadiisa oo uu ku eekaaday

  2. Cagta oo uu ku badin waayay xarunta madaxtoyada.

  3. Keenis la”aant xanta xaafadda

  4. Abtinimada Muuse Biixi Cabdi hi u ahaa.

  5. Wasaaradda oo uu ka masruufi waayay deegaanka uu ka soo jeedo.

  6. Gudidii reerka ee xiligaa oo uu gacanta u sii daayay.

Waxaan ku soo af-meerayaa;

 

♡. Wasiirada wacnaa jiray& ragay warisay taariikhdu.

♡. Wax qabad lama qarshee Annaa qiray wanaagiise.

♡. Wasiir xoog  caafimaadkii Inuu tabay

Miyaa laga waliil gooyey.

♡. Waafi noqo rag-baa reeruhu kala wanaag roonye.

♡. wax ma sheegin kuwii lahaa Shalay

Maanta laga wareer-gooye.

 

Allaa Mahad Leh.

 

Qalinkii : Gar. Keyse koosaar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso