Hanbalyo dhamaan shacabka Somaliland ee ku  dhaqan dalkan Sweden waxa ay hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaan Madaxweynaha Cusub

Hanbalyo

dhamaan shacabka Somaliland ee ku  dhaqan dalkan Sweden waxa ay hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaan Madaxweynaha Cusub ee Somaliland mudane Muse Bixii Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka mudane Abdiraxman  Abdillahi Ismaciil saylaci, waxa aanu hanbalyadaas oo kale u diraynaa Mudane Abdirahman Mohamed Abdillahi Ciro iyo Faysal cali Hussein iyo kuxigeenadooda oo ku qancay natiijada doorashada, taas oo ay u muujiyeen cadawga Somaliland in dadka Somaliland ay yihiin Ul iyo Diirkeed.

Waxa kale oo aanu hanbalyo u diraynaa guddida doorashooyinka Somaliland oo muujiyey masuuliyad wayn.

 waxa  kale aanu halkan halbalyo uga diraynaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan, waxa guusha helay qaranka Somaliland oo dhan , caalamkuna wuu inoo qiray. Ugu danbayntii waxa aanu hanbalyo aan lasoo koobi karin hawada u marinaynaa madaxweynaha hadda xilka ka degaya oo isaga oo xaq u leh in uu u tartamo mar labaad u haneeyay in saaxiibadiisii lasoo halgamay u baneeyo kursiga taas oo dhif iyo naadir ka ah qaaradan afrika Mudane Ahmed Mahamed Mahamoud Siilaanyo waxa uu kaga qormayaa qaarada Afrika baal dahab ah.

Hussein Wadadyare

Madaxa Arimaha Bulshada ahna 

ku simaha Wakiilka Somaliland ee dalka Sweden

Advertisement

Ku Xayeysiiso