Ganacsade Carbeed Maxamed Sicid Maxamed Al Caamir, Ayaa Dhambaal Hambalyo iyo Bogaadin ah u Diray Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Ku Xigeenkiisa

Muwaadinkii Carbeed ee ugu Horeeyay Oo u Dhashay Emaraadka Carabta, Ganacsade Maxamed Sicid Maxamed Al Caamir, Ayaa Dhambaal Hambalyo iyo Bogaadin ah u Diray Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md Muuse Bixii Cabdi iyo Ku Xigeenkiisa Md Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil Saylici.
Maxamed Seef Maxamed Al Caamir, oo kamid ah Ganacsatada Wadanka Isutaga Emaraadka Carabta Oo kamid ah Muwaadiniinta Emaraadka Carabta ee Taageerada La Garab istaaga Bulshada Reer Somaliland, Gaar ahaana Gobolka Maroodijeex Hore ugu Caawiyay Dirayska Ciyaartooyda Agab Isboorti oo Tiro badan Isla markaana Sidoo kale ka Qayb qaatay Dhismayaasha Masaajidada Dalka.
Ganacsadahan u Dhashay Wadanka Imaaraadka ee Maxamed Seef Maxamed Al Caamir, ayaa Waxaa uu Dhambaal Hambalyo iyo Bogaadin ah usoo Diray Guud ahaanba Shacabka JSL Sidii Habsamida Nabad Gelyada iyo Dimuquraadiyada ahayd ee ay usoo Doorteen Hogaanka Dalka ee Shanta sano ee Soocota.
Muwaadinkan oo Noqonaya Ninkii ugu Horeeyay ee Emarati ah ee Soo Hambalyeeyay Shacabka JSL Ayaa Dhinaca kale Hambalyo Bogaadin iyo Duco u Soo Diray Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Ku Xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaciil Saylici Isagoo Ilaahay Uga Baryay inuu Xilkaasi Loo Doortay u Fududeeyo Masuuliyiinta Cusub.

Maxamed Seef Maxamed Al Caamir,
Alla Mahad Leh.

Advertisement

Ku Xayeysiiso