Doorashadan Maxaynu Ka Baranay, Maxaynuse  ka helay: 

Doorashadan Maxaynu Ka Baranay, Maxaynuse  ka helay: 

Saacadu waa 12:40am (Saqdii dhexe waqtiga Hargeysa), gurigayga oo ku yaala xaafadda Masalaha waxaa ka dhacaysa rasaas aanan garanayn,cidda ridaysa iyo cidda lagu ridayo. Rasaastaasi waxay dhacaysay ilaa fiidkii  Marna way igu soo dhawanaysaa, marna way iga durkaysaa. caruurtii baa sastay. Dusha sare ee guriga ayaan u baxay,  daaqadaha ayaa marba mid furay, anigoo raadinayaa cid aan la hadlo, waanse ka arki waayay cidda ridaysa, mana jiraan dad meesha socda ama yaacaya, ama hgumaya, waana saq dhexe, xataa shanqadh shimbireed ma baxayso.

Dadkii guriga deganna ayaa fadhiga isugu yimi, oo qofba mar uu hurdadad ka salalay; iyadoo shakigii doorashaduna jiray ayuu qof waliba soo booday oo is0yidhi, malaha dagaal sokeeye ayaa bilaabmay Allaahu maa njayanayaa)

YAABAY, oo caruurtii iyo haweenkii ayaan sababo iyo waxba ma jiraan, ee malaha waa mudaharaad ku seexiyay. Aniguse, maan seexan oo wxaan doonayay inaan ogaado waxa jira, marba daaqad baan eegay, anigoo cadho iyo cabsiba aanay iga madhnayn. Dhawr arrimood baan maleeyay, ileen waaniga shimbirna arliga ka waayay, haddana weli ay rasaastii dhaw iyo dhugta hayso’e.

Kow, waxaa igu soo dhacay waar malaha urrurada iyo kooxaha Geeska Afrika meelo ka mid ah ku hardamaya baa buuqa doorashadda ka faa’iidaysanaya, si ay u helaan meel ay TALO FARO KA HAADAY oo ay gabood ka dhigtaan. Markaasaan isa sii waydiiyay- ka waran haddii ay ururaddaasi inamo yaryar soo abaabulaan oo ay mudaharaadayaal u ekaysiiyaan, iyaguna ay dharka booliiska soo gashadaan oo ay iska dhigaan inay mudaharaadayaasha kala eryayan, dabeedna ?????????? Wallee haddaan karintaa laga guurin inay gorayo heeryaysani aks oo degi.

Labba, hadadna, waxaan is-idhi: waar ma dawladdaa is-leh dadka cabsi geli, si aanay u dhaq-dhaqaaqin; iyo mayee, malaha taasi suurogal maaha; oo qof waliba wuu og yahay halkii ay martay dawladdii milateriga ee xoogga weynayde, maxaa jirra; bal adba?

Saddex, tolow ma qof natiijaddii doorashadda qawadsan baa is leh dadka kici. Haddana, waan isu jawabaay, oo waxaan hoos isu idhi oo qofkaasi miyaanu ogayn inay dadku farsamadda qiimaha jabban ka ilbaxeen (Haddaan madaxdu ku soo ceelinin oo aanay ku qasbin)

Afar, marba meel baan isku qaaday, oo haddana waxaaan is-idhi, waar malaha waa qof la jibaysan taageeradda uu u hayo musharaxa guulaystay oo is leh cid cabsi geli. Haddana, waxaan isugu jawabay, oo muxuu ku garanayaa guryahan uu dhexdooda raraasta ka ridayo dadka degeni musharaxa ay u codeeyeen. Waayo, gurigaygaba saddex qof baa kaadh haystay oo saddexda xisbi kala taageerayay (ILaahayow, ama dadka sidaa ka wadda dhig, ama sidooda naga dhig buu yidhi Maxamed Xaashi). Haddana, jawaab kale ayaan isu celiyay oo aan hoos isu idhi: oo maxaad ula yaabaysaa; sawkii Taliyaha Ciidanka Qarankuba, JIBBO is haysan kari waayay, ee doorasho aanu shaqaba ku lahayn; ka dhex hanjabayay ee TV-ga la soo is-taagay ” WALAAHI  OO BILAAHI, TOLAAHI, …….. (QAAQ!!! waar ileen af aanad lahayn ma qabatid).  Hadda, labaddii doorasho ee horeba (2003 iyo 2010), waa lagu murmay, isaggaana taliyaha ciidanka qaranka ahaa; haddana kamuu hadal, hanjabaadna warkeeda daa (Doorashadan maxaa uga shanqadhay, adgaan kuu daayay jawaabta).

Maxaadse ula yaabaysaa, sawkanxisbigii Waddani ee natiijaddii doorashada diidayay, haddana aan caddayn keliya qoraal iyo hadal midna ku keenin. Waxaaba ka sii yaab badan, goob kasta waxaa xisbi walba u joogay goob-jooge.  Kuwee Waddani miyay tahriibeen, mise way seexdeen? WAA YAABKA, YAABKIIYE, waxaa laag mudaharaaday Bariga Hargeysa, Galbeedka Burco, iyo Ceerigaabo; oo ay dad ku dhiteen. Hadda, xisbiga Waddani wuxuu helay 230,000 cod. Markaa maxaa saddexdaa xaafadood oo kleiya looga mudaharaaday, codka Wadanni oo dhami intaasu ka yimi, BAL ADBA.

Runbaa fiicane, meesha keliya ee xisbiyadda mucaaradka ah lagu muquunin karo, ee tahay in xeerka waxa laga bedlo waxaa weeye, 7 xubnood ee Komishanka, xisbiyadda mucaaradku min xubin keliya ayay keenaan; halka uu xisbiga taladda hayaana 3 xubnood leeyahay, Golaha Guurtidana 2 xubnood keeno. Balse, Gudoomiye C/laahi Cirro, 12 sanadood ayuu Golaha Wakiilada hogaaminayay; musharax madaxweynena uu damacsanaa, oo aanu mar keliya ka fekerin sharciyadda doorashad dib u eeg oo wixii carqalad keenaya ka hagaaji. Fursadda kale ee dahabiga ah ee aan dib loo helayn ee uu haystay waxay ahayd,  Madaxweyne Siilaanyo oo aan mar mar kale musharaxnimo diyaar u ahayn, oo aan kala jeclayn cidda soo magacaabaysa Komishanka; sharcigaana saxeexi lahaa.

Sartu halkay ka qudhan waxaa weeye (La soco qaybaha dambe)

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso