Daawo Madax-dhaqmeedka Koonfurta Bariga iyo Badhtamaha Hargaysa oo Hambalyo iyo Dardaraana u diray Madaxweynaha La Doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland

Hargaysa (ToggaHerer)Madax Dhaqmeedka , Sulaadiinta, Cuqaasha iyo wax garadka Koonfurta Bariga iyo Badhtamaha Hargaysa ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Kuxigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici.

Madaxdhaqmeedkan ayaa waxa ay wacad ku mareen in ay la shaqayan doonaan Dawlada cusub ee dhalatay ee Somaliland, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen sidii quruxda badnayad ee ay u tartameen Sadexda Xisbi Qaran.

Dhanka kale waxa ay talooyin u soo jeediyeen Madaxweynaha Cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi waxaanay kula taliyeen in uu Dadka iyo Dalka Cadaalad ku hogaamiyo maadamabay yidhaadeen uu mucaarid iyo muxaafidba maanta uu Madaxwene u yahay, waxana ka mid ahaa Madaxdhaqmeedka halkaa ka hadlay:-
Suldaan Aadan Faarax Cumar, Suldaan Cawil Fiiqle, Caaqil Cabdi Wali, Caaqil Maxamed Weerar, Caaqil Cumar Cabdi ,Caaqil Xasan Badmaax, Caaqil Cabdi Jaamac,Caaqil Abshir Yuusuf,Caaqil Caabi Caaqil Yare ,Caaqil Maxamed C/laahi ,Caaqil Jaamac Muuse ,Caaqil C/qaadir Jaamac, Caaqil Cali C/laahi , Caaqil Rashiid C/laahi, Caaqil C/laahi Yuusuf.

Advertisement

Ku Xayeysiiso