Walaweyntii ayaa Wadani Inoo Soo Dhexmartee Wadanka Hala Difaaco

Walaweyntii ayaa Wadani Inoo Soo Dhexmartee Wadanka Hala Difaaco
Marka aynu eegno dhacdooyinkii xidhiidhka Xisbiga Wadani iyo Dalkii dadkeena xasuuqay ee Somaliya , iyo taageerada ay lasoo garabtaagnaayeen wakhtigii ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland. Markaynu milicsano Ergayga Somaliya la inooga soo diray ee haddana inoo xidhay shaadhka wadani ahna nusdambeedka ugu culus ee Wadani Ismaciil Buubaa oo ah ninka cadawgeenu inoogu soo diray inuu dalka qalalaase ka rido. Shacabka Somaliland ee walaalaha ahna colaad iyo xumaan uu kala dhexdhigo isaga oo illaa hadda meel uu kaga tanaasulay fikirkiisii Somaliweyn iyo federal aanay jirin. Waxa kale oo intaa dheer waxa uu horsed ka ahaa colaadii sokeeye ee shacabka Somaliland ee walaalaha ahi ay isaga hor yimaadeen sanadkii 1994.
Haddaba, Shacabka Somaliland waxaan u sheegayaa in manta Ujeedadii Cadawgeenu lahaa inoo bilaabantay iyaga oo adeegsanaya shakhsiyaad uu ka mid yahay ninkaa sare aan ku xusay iyo kuwa kale oo badan. Hagardaamadaa ay u gaysteen Doorashadii dalka ka qabsoontay 13 Nov 2017 oo markii dalabkoodii halanoo tiriyo ahaa loo fuliyey haddana ka dambeysiiyey qaadacaada doorshada lagaga guuleystay in ka badan 80 Kun ee cod waxay inoo iftiiminaysaa dhabnimada duulaankaa aan tilmaamaayo in uu xaqiiqo yahay.
Waxaan si gaara talo tolnimo iyo walaalnimo leh halkan ugu gudbinayaa beesha degaanka galbeedka Burco in ay ka taxadiraan ragii shalay colaadii lagu leeday idin galiyey ee dadkii walaalaha aad ahaydeen idinka horkeenay inayna mar labaad idin dagin “ Qofka Muslimka ah Laba Jeer Meel lagama wada qaniino” ayaan idin leeyahay. Waa in colaadaa shisheeyuhu manta dalkeenii usoo maleegay aynu dhinac uga soo wada jeesanaa. Waxaa kale oo aan guud ahaan shacabka Somaliland usoo jeedinayaa in manta fadhiga laga kaco oo aynu difaacano dalkeena iyo dadkeena lagu soo duulay. Waxaan leeyahay waa in Dawlad iyo shacaba si isku duuban dalkeena aynu u difaacanaa . “ Baroortu Orgiga Ka Weyn” go;aankaa manta dhaawaca weyn u gaystay qaranka ee warqada loogu soo qoray ninkii hanka madaxweyne lahaa maaha tartan doorasho ee waa duulaan hor leh oo dalkeena kusoo wajahan ee haloo diyaargaroobe difaacida dalkeena hooyo.
Gudida Doorashadana waa in ay si degdeg ah usoo sooraan cidii ku guuleysatay doorashada ee aqlabiyada shacabku codkooda siiyeen si ay u bilaabato waajibaadada qaranku ka sugaayo .
Wabillaahi tawfiq
Cabdirasaaq Askar
Hargeysa,Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso