Isbarbar dhig Tabashooyinkii iyo Faa’idooyinkii laga dhaxlay Doorashadii JSL ka dhacday 13/11/17 Qalinkii A/rahman fidhinle UK

iyada oon qaranka curdinka ah ee JSL la ictiraafin ayaa shacabka Somaliland nasiib u heleen in ay doorashada ku galaan habka casriga ah ee loo yaqaano Iris recognition Biometric voter registaration habkaas oo ah hab casri ah oo aan hore looga isticmaalin qaarada Africa si looga hor tago wax isdabo marinta iyo musuqa  doorashooyinka Aduunka ka dhacda. Shacabka SL waxay doorasho xor ah oo xalaal ah oo hal cod iyo hal qof ah ay u dareereen 13/11/2017 waxaana  cod-bixiyeyaasha  ka qayb-qaatay doorashadan lagu qiyaasaa 704 089 qof oo ka mid ah 4 Million ee mushtamaca reer Somaliland lagu qiyaaso.  Doorashadu waxay ka dhacday 1642 goobood oo ku kala yaala dhamaan 21 Degmo ee qadiimka ah ee dalku ka kooban yahay. Waxaa codkooda la tirtiray  5 Goobood. Waxaana Sanaadiiq aan la geyn 3 goobood xag nabadgelyo xumo darteed. waxaan cod ku dhicin 1 sanduuq oo la soo celiyey. Waxaa codkoodu ansaxmay Codbixiyayaal tiradoodu gaadhayso 565 617 oo qof, waxaana codkooda la gubay ama la kanselgareeyey codbixiyeyaal dhan ilaa iyo 10475 oo  qof. guud ahaan Waxaa ansaxamay 555 142 cod ama qof.

A)  Faa’idooyinka laga dhaxley  Doorashadan ee  sumcada JSL kor u soo qaadi  kara . 

1- Waxaa doorashada lagu galay habka casriga ah ee sawirka indhaha ( Iris recognition Voter registration system ).

2- Waxaa dalka yimi 60  kormeerayaal caalami ah (international observers) oo ka kala socday 24 dal oo ay ku jiraan dalalka aduunka ugu tunka weyn.kuwaas oo amaan ku hurgufay Somaliland.

3- Waxaa dhaqaalaha inaga caawiyey dheeq-bixiyayaasha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka inaga caawiya oo ay higaaminaysay Hayada International election observation mission (EOM )

4- Waxaa iyana dalka yimi wafti gaar ah oo ka socda dalalka yurub oo ka koobnaa 15 Safiir oo ay hogaaminaysay Safiirka midowga yurub uqaabilasan Somalia Ms Veronique Lerenzo. dhamaan ka qayb galayaashaasi waxay doorashada JSL ka dhacday ay u arkeen talaabo dimuqradiyeed oo togan oo  hore loo qaaday. Waxaana kormeerayaashaas  iyo jaraaidka  caalamkuba ay isku raaceen in doorashadaasi ay aad iyo aad kor ugu qaaday sumcadii dalka Somaliland, karaamadii shacabweynaha reer Somaliland ee doorashada sifaha salmiga ah ugu dareeray uguna dhamaatay.

5- Waxaa la kanselgareeyey ama la gubay codkii abid ugu badnaa ee Somaliland la gubo taa soo tognaanteeda iyo tabnaanteedaba iska leh.

  B) Cabashooyinkii Doorashadan laga dhaxlay ee ay kaga duwan tahay Doorashooyinkii hore :

1- Waxaa goobjooga yaashii Xisbiga waddani loo geystay tacadi, hanjabaad, handadaad, gacan ka hadal iyo xadhig qaarkood

2- Waxaa dhacday in buug ka mid buugaagtii codka lagu bixinaayey laga xaday goontii lagu ogaa oo saxaafada la hor keenay

3- Waxaa dhacaday in Sanaaduuq dib loo tiriyey laga helay codad ka badan intii loogu talo galay in lagu guro.

4- Waxaa Goobjooga yaal Caalami ahi qireen in ay arkeen Caruur aan qaan gaadhin oo codkooda dhiibanaya

5- Waxaa dhacday in Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani gudida komishanka u soo gudbiyeen 120 tabasho taas aan si waafi ah looga qancin.

6- Waxaa laga dhawaajiyey in la arkay in dad dhawaan dhintay kaadhadhkoodii lagu fooday oo lagu codeeyey.

7- Waxaa Gobolada qaar ka dhacday kacdoon ay muwaadiniin aan hubeysneyn ku dhinteen kuna dhaawacmeen

8- Doorashadani  waxay ceebeysay habkii casriga ahaa ee JSL lagu tijaabinayey ( Iris recognition Voter registration system)

9- Waxaa si badheedh ah guryahooda loogu daatay oo xabsiga loo taxaabay Muraaqibiin iyo taagerayaal badan oo xisbiga Waddani ka tirsanaa oo gaadhaaya ilaa iyo 20 xumnood.

10- Xisbiga Kulmiye oo reer miyigii  dhegta u saaray Kulmiye ku dhawaaq oo raashinkaaga bakhaarka ka qaado.

Komishanka Doorashooyinka qaranka waxaa weysadii ka jabtay markii ay qirteen in buuga la helay uu ahaa buug ka mid ah buugaagtii ay amaanadiisa xafidi lahaayeen. markaad u fiirsato qodobadan kor ku taxan Waxaa laga dhawaajiyey in  doorashadan dalka ka dhacaday 13/11/2017 ay aheyd doorasho mugdi iyo mad-madow badani ku gedaaman yahay oo aan la odhan karin waxay aheyd doorasho xor ah oo xalaal ah maadaama la gubay codkii abid ugu badnaa.  Waxaa iyana laga dhawaajiyey in Komishanka Doorashooyinku ay iyana noqdeen komishankii ama gudidii ugu liitay ee Somaliland soo mara marka dib loo raaco hab-dhaqankoodii, kala hadalkoodii iyo habqankoodii ku wajahnaa  gudashada waajibaadkoodii dastuuriga ahaa. Waxaa iyana lagu xusuusan doonaa komishanka go’aan ka noqoshadii iyo isgiijintii tabneyd ee ay kaga jawaabeen tabashooyinkii tirada badnaa ee uu xisbiga Mucaaridka ah ee waddani ay u soo gudbiyeen.

Yeelkeede Somaliland waa Hanti ay wada leeyihiin dhamaan shacabka reer Somaliland waana waajib saaran in shacabku dalka iyo dawladaba si  wada jir ah uwada yeesho una wada ilaashado mana jiro reer ama qabiil si gaar ah u sharaxani oo hadii musharax dhaco ma jiro beel ama degaan si gaar ah udhacay amaba laga badiyey siyaasadii dalka sidaa daraadeed waa in shacabku nabadooda ilaashadaan oo ka dheeraadaan wixii qaranimadooda iyo qowmiyadoodaba  waxyeelaynaaya.

Gebagebo iyo Gunaanad: Waxaan shacabka Somaliland u soo jeedinayaa in ay nabadgelyada ilaashadaan oo ay ogaadaan in ay dhex hurdaan oo ku dhex-dhuumanayaan Cadow qarsoon oo ka dhex faa’ideysanaaya hadii ay Colaadi dhexdooda ka qaraxdo. Waxaan iyana Madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani u soo jeedinaayaa in ay sife sharci ah tabashooyinkooda u maraan oo aanay taageerayaashooda kicinin. Waxaa Xukuumada sii dhacaysa laga rabaa in ay Siyaasada cakiran ee dalka ka socota  (political crisis ) ay si miyir qabta oo aan xadhig iyo qori caaradii aheyn u dejiyaan.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

Advertisement

Ku Xayeysiiso