Culimadu & Ganacsatadu Iyo Haldoorku Niyad Wanaag Ayay Dalka iyo Dadka U Hayaan, Balse Aqoon-Darradooda Siyaasadeed Dalka Jar Dheer Ayay Ka Tuuraysaa Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Culimadu & Ganacsatadu Iyo Haldoorku Niyad Wanaag Ayay Dalka iyo Dadka U Hayaan, Balse Aqoon-Darradooda Siyaasadeed Dalka Jar Dheer Ayay Ka Tuuraysaa

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)
========
Ilaahay Waxaan ka baryayaa in maqaalkani gaadho cida ay ku socoto inta ay goori goor tahay…
Ugu horrayn falanqayn kooban:
1. Waxa Dalka ka dhacay waa tartan ay ku tartamayeen saddex xisbi.
2. Waxa hubaal ah in marka la yidhaahdo tartan in uu jiro cid guulaysata iyo cid guul darraysata.
3. Waxa hubaal ah in tartanku u baahan yahay Garsoorayaal awood leh oo meel mariya go’aanka ay qaataan.
4. Garsooraha Doorashadu waa Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ah heerka 1aad iyo maxkamada Dastuuriga ah oo ah darajada 2aad, halka Madaxwaynaha Somaliland Mud: Axmed Siilaanyo uu yahay cududa fulineed ee awood la daba taagan garsoorayaasha si go’aankoodu u noqdo mid fula.
In aynu 4-taasi qodob ee fudud isla qaadanaa waa tiirka aynu ku dhisayno doodeena dambe oo dhan, sidaa daraadeed aan tusaale kooban ka bixiyo.
Tartankii doorashada = Aynu ku tusaalayno ciyaar kubada cagta ah.
Xisbiyada Siyaasadda = Aynu ku tusaalayno Labadii kooxood ee ciyaaraayay.
Siidhi-wadaha = Aynu ku tusaalayno Komishanka iyo Maxkamda Sare.
Ciidanka Amaanka ee Garoonka Ilaalinaaya = Aynu ku tusaalayno Xukuumada Mud: Siilaanyo.
Tarabuunka = Aynu ku tusaalayno shacabi waynaha Somaliland.

Su’aasha 1aad waxay tahay: idinku hadaad tihiin culimo +Ganacsato+Haldoorka bulshada maxaad tihiin? Halkeed ka socotaan? Ma Xil Ayaad Ummada u haysaan? Mise Is-xil-qaan ayaad wadaan?
Dabcan jawaabta iska cad waxay tahay in aad tihiin shicib oo aydaan wax xil ah oo ay ummadu idin kala xisaabtanto aydaan haynin, oo kaliya shaqadiinu ay tahay is xil-qaan aad ku amaanan tihiin.
Maadaama aynu isla qaadanay in aad tihiin shacab, su’aasha 2aad waxay noqonaysaa Maxaad Doonaysaan?
Ma Waxaad Doonaysaan inuu Xisbi Cayimani ku badiyo Doorashada? Xaasha
Mise Waxaad tihiin khubaro dhinaca doorashooyinka ah oo hubinaaya in tirinta codadku ay u dhacday qaab cadaalad ah?
Haddii aad tihiin khubaro uu komishanku dalbaday oo aad u yaqaana hawsha tirinta codadka, raali-galin ayaan ka bixiyay maqaalkan oo dhan.
Laakiin waxaan u malaynayaa in aydaan ahayn khubaro uu komishanku dalbaday.
Talaw markaa maxaad ka qabanayseen komishanka? Ama talaw muxuu komishanku idiinku yeedhay? Ka hor doorashadana baaqyada aad soo saarayseen maxay daaranaayeen?
Komishanku ma wuxuu idiinku yeedhay si aad iyaga ugu wacdisaan in ay cadaalad sameeyaan oo ay wacdi diini ah dhagaystaan? Haddii ay sidaasi tahay waan ku taageerayaa komishanka.
Mise Komishanku wuxuu idiinku yeedhay in aad Xisbiyada ku wacdisaan inay Ilaahay ka cabsadaan oo ay cadaalad sameeyaan? Iyadana waan ku taageerayaa komishanka.
Mise komishanku wuxuu idiinku yeedhay in aad ku wacdisaan xisbiyada in ay aqbalaan natiijada ka soo baxda komishanka?
Bal ka warama culimooy haddii uu xisbi idin yidhaahdo (Ma waxaad I leedihiin culimooy cadaalad darrada aqbala?) talaw maxaad ugu jawaabi lahaydeen xisbigaasi? Ma waxaad odhan lahaydeen dulmiga aqbal? Oo Markaa idinku ma cadaalad ayaad ku baaqaysaan mise cadaalad darro?
Waxaad I odhan kartaan in xisbi la dulmiyo iyo in nabadgalyadu xumaato waxa dhib yar in xisbi la dulmiyo? Jawaabtu waxay noqon kartaa maxaa isku xidhay nabadgalyada iyo cadaalada natiijada doorashada?
Haddii uu xisbi uu cadaalad darro ka tirsado natiijada doorashada miyaanay khasab ahayn in uu xayndaabka sharci ku cawdo? Maxaa keenaaya in nabadgalyada looga baqdo?
Tusaale ahaan haddii uu siidhi-wadaha ciyaartu (Komishanka) uu kaadh casaan ah si cadaalad darro ah (Natiijad Doorasho oo Cadaalad Darro ah) ku bixiyo, maxaa arrintaasi ku xidhay in tarabuunku (shacabku) uu dhaliyo nabadgalyo darro?
Miyaanay Joogin Ciidamadii ilaalada Garoonku (Xukuumada Mud: Siilaanyo)?
Haddii aanay jirin ciidamo (Xukuumada Mud: Siilaanyo) awood u leh inay sugaan nabadgalyada ciyaarta iyo kala dambaynta, miyaanay caqli darro ahayn in ciyaar la qabtaa?
Miyaanay qabashada ciyaartaasi la macno ahayn inay tarabuunku (Shacabku ) is dilaan? Maadaama aanuu jirin ciidankii amaanka (Xukuumada Mud: Siilaanyo) ee kala dhex gali lahaa?
Sideebay u noqonaysaa tartan haddii sasabasho iyo gadh-u-salaaxid ay natiijada ciyaartu ku soo baxayso?
Miyaanay markaasi ku haboonayn in gabi ahaamba la iska daayo ciyaarta oo kooxaha ciyaaraaya lagu sasabo inay isku hanneeyaan ama ay isku daystaan innagoo leh (Isu-Daasta walaalayaal)?
Bal ka warama haddii uu xisbi iska diido natiijo cadaalad ah oo lagaga adkaaday, isla markaana uu diido wacdiga aad ku wacdinayseen, talow maxaa idin la gudboon?
Falanqayntaasi iyo sharaxaasi ka dib ayay inoo soo baxaysa mawqifka looga baahan yahay haldoorka inay ugu baaqaan dacalada kala duwan:
Komishanka & Maxkamada Sare: Inay go’aan cadaalad ah soo saaraan,
Xisbiyada Qaranka: In ay sifo sharci ah ay ku dhamaystaan khilaafaadkooda.
Shacabka: Inay ixtiraamaan Sharciga.
Xukuumada Mud: Siilaanyo: Inay Nabadgalyada iyo kala dambaynta sugto.
Laakiin ceebta ay haldoorka JSL faraha kula jiraan wakhtigan waa sidan:
Komishanka & Maxkamada Sare: Waxay ugu baaqayaan inay qanciyaan Xisbiyada.
Xisbiyada Qaranka: Inay nabadgalyada ilaaliyaan oo ay isku tanaasulaan.
Shacabka: Inay Nabadgalyada Ilaaliyaan.
Xukuumada Mud: Siilaanyo: Waxbaba uguma baaqaan, mana maqlaysid marnaba iyagoo la hadlaaya madaxwayne Siilaanyo, si uu dalku yahay mid aan madaxwayne lahayn, hadda waa iyagoo doonaaya inay kobciyaan kala dambaynta iyo nidaamka… Subxaanaka Yaa Cadiim!!!
Haldoorka JSL ee kor ku xusan, iyagoo ka mid ah shacbiga JSL, walibana inta ugu mudnaanta badan, waxa la gudboon in ay cid walba kula xisaabtamaan waxa ay shaqadiisu tahay, isla markaana ay qof walba ugu baaqaan inuu qabto waxa shaqadiisu tahay, si wanaagga loo gaadho.
Marka laga hadlaayo aminiga iyo kala dambaynta dalka iyo wada jirka ummadan kama masuul aha komishanku ama xisbiyadu, balse waxa ka masuul ah kobcinteeda iyo wax-ka-qabashada cidda wax u dhinta xukuumadda wakhtigaasi jirta oo kaliya.
Markaa maadaama aan rumaysanahay in hawsha ugu weyn ee ay haldoorka JSL doonayaan inay wax ka qabtaan ay tahay xoojinta amniga iyo wada jirka shacabka sidaa daraadeed waxa laga maarmaan ah in ay codsiyadooda oo dhan u gudbiyaan madaxwaynaha JSL oo isagu masuul ka ah amniga, isla markaana wixii ka xumaada amniga ay kala xisaabtamaan madaxwaynaha oo kaliya.
Waa hordhac aan isku dayay in haddii ay suuragal tahay ay maskaxda u furto haldoorka JSL ee aan jecelahay balse aan u arko inay danta dalka indhaha ka ridayaan.
Su’aal ayaa iman karta oo ah, oo talaw xalku muxuu noqon karaa? Waa arrin aan jecelahay in goobta ugu habboon ee laga sheegi karo aan u dhigto.

Advertisement

Ku Xayeysiiso