Muuse Biixi Bilada Samirka iyo Dulqaadka Cid ka mudan ma jirtaa? Samraa Sadkii wuu helaa

Muuse Biixi Bilada Samirka iyo Dulqaadka Cid ka mudan ma jirtaa? Samraa Sadkii wuu helaa (Faalo)

Samirkiisii iyo Dulqaadkiisii waxay Gayaysiisay Inuu Fuulo Kursiga ugu sareeya Dalka

Taniyo markii uu Hogaamiye Muuse Biixi Go;aansaday inuu talada Dalka qabto, wuxuu ka soo gudbay jaran jarooyin badan oo dhib badan oo qof kale aanu ka soo gudbeen.
Hadaynu kaga bilowno Tartankii Gudoomiyenimada Koowaad ee kulmiye 2008 wuxuu kala kulmay Mucaaridad adag oo badan dulqadbuu se kaga soo guulaystay.

Markii Talada dalka uu ku guulaystay Axmed Maxamed Siilaanyo ee lagu wareejiyay kursiga 5tii sano ee u horaysay wuxuu ku jiray xisbiga kulmiye halkii ugu hoosaysay taariikhdiisa. Nin aan samir lahayna mabuu sii joogeen waqtigaana.

waxaa bilaabmay tartankii xukumada iyo xisbiga isagoo Madaxwayne Siilaanyo raacay dhankii xukumada sidoo kale Beeshiisii iyo Salaadintii ay kala qaybsameen dhana ka mareen .Muuse Biixi wuu samray markaana waxaa kale oo jirtay in madaxwayne siilaanyo yidhi waan sharaxanahay deedna qofka halkaa joogaa uma sii baahnayn waqti kale ee halkaasu isku dhiibi lahaa .Muuse wuu ku adkaystay isagoo waliba kalmad dhaxal gal ah yidhi oo ahayd Danta Qaranka iyo dadkaan u tanaasulay.

Samirkii Badnaa ee Gudoomiye Muuse Biixi wuxuu dhalay inuu dib u hantiyo kalsoonida xukumada iyo madaxwayne siilaanyo waana ta soo dadajisay inay Gogoshoodii ka urursadaan wasiiradii ugu awooda badnaa xukumadu oon sidii muuse samir iyo dulqaad yeelan

Tartankii Musahraxnimada waxaa jirtay caqabado badan oo ka hor yimi ilaa markii dambe loo caleemo saaray Musharax
Waxaaa jiray Masuuliyiin badan oo ilaa doorashadu ka dhacaysay xisbiga kulmiye ka baxayay jeclaana in muuse laga badiyo ama niyad jabo waxaa jiray siyaasiyiin iskadaa tartan ay ku ololeeyaan waxay khudbad ka dhigteen caydiisa iyo shakhsi weerarka naftiisa balse dhib kasta oo soo gaadha wuxuu ka ssii qaadayay dardar waana ta u shahashay inuu ku qanciyo xisbiga iyo hankiisa ugana garaabeen aqoonyahanka Axmed ismacil Samatar Maxamed Cali Bile Jamaal Cali xuseen Axmed Muumin seed iyo rag kale oo badan

Ugu dambayn xisbigii tartankii wuu galay muuse biixi wuu guulaystay waliba codad 80,0000 ku dhaw hadana waxaa ka hortimid caqabad kale oo kursigii ka hor istaagtay xisbigii waddani ayaa cabasho keenay wuxuu awood u lahaa inuu idhaa ha laygu dhawaaqo natiijadayda balse wuxuu ka doorbiday inuu qaranka hadhow lagaga sheekeeyo sidaa darteed wuxuu go’aan ku gaadhay ilaa waddani tabasho kastta laga qanciyo inaan loogu dhawaaqin wax natiijo ah xisbigiisa

Muuse biixi wuxuu la wareegi doonaa Dal qaybsamay oo Doorasho ka soo baxay waxaanan hubaa inuu samirkiisii badnaa u dhali doono sidii uu dadka u midayn lahaa guulna ugu hogaamin lahaa

Waad Istaahishaa in lagu Gudoonsiiyo Biladda Dulqaadka iyo Samirka

Hambalyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi

Qore Mohamed Abdirahman

dr.caafi10@gmail.com

Tell  0634164100

Advertisement

Ku Xayeysiiso