Murankii Doorashadda Oo Xal Ku Dhaw, Xal La’aana Halis U Ah

Waxaa igu maqaalo ah in lagu heshiiyay in  dib-u-eegis lagu sameeyo muunad (Sample) sanaadiiqda cod-bixinta ka mid ah. Waxaase la sii saadaalin karaa saddex arrimood oo midi xal keenayso, labbana HALIS yihiin; oo kala ah:

 Kow,  haddii dib-u-eegista tirada codadka, faraha, iyo saxeexyaddu ay waxba ka bedeli waydo natiijadda hadda la hayo, muran dambe ma jirayo, waana lagu dhawaaayaa natiijadda, iyaddoo gacmaha la is haysto.

 Labba; haddiise tiro sanaaduuq ah oo dib loo eegay laga helo madmadow oo la LAALO; oo ay natijadda hada la hayo uu codka la laalay wax-ka-bedelo; waxaa suurogal ah muran hor leh oo ka yimaadda xisbiyaddii aan markii hore cabanayn; iyo aabahay goblan kale.

 Saddex, haddii sanaaduuqda qaarkood madmadow laga helo, balse Komishanku diido in la laalo codkaas; ama laga cago-jiido dib-eegista; oo lagu dhawaaqo natiijadda hadda la hayo; taasina halisteeda ayay leedahay.

 Haddii si kale loo yidhaahdana; 3 fursadood oo kasta; 2 ka mid ah ayay Somaliland af-libaax daaqaysaa; hal fursadna waa bed qab

 Talo caqli ku dhisan ayaa loo baahan yahay. Taladaasina Ilaahay ka sakow, xisbiyadda iyo komishanka ayay gacantooda ku jirtaa (WAAR YAA MUSLIN AH OO HARAGEEDDII IGAGA CELIYO).

Ahmed Diriye <ahmedmdiriye@yahoo.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso