Nambarka 2 ee Taarikada Baabuurta ayaa lagu iibiyay Lacag Gaadhaysa Saddex Milyan oo Dollar Abu Dhabi!!!

Nambarka “2” ee taarikada baabuurta ayaa lagu iibsaday Imaaraadka Carabta lacag dhan10 milyan iyo 100,000 Kun oo Dirham una dhiganta qiyaastii US $ 3 milyan oo Dollar.

Xaraashka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay booliska Abu Dhabi munaasabad lagu soo bandhigay 60-guuradii aasaaskeeda waxaana lagu iibiyey 60 taarikood oo oo nambaro isku beegan loona isticmaalayo baabuurta khaaska ah ah waxaana ka soo hoyday lacag gaadhaysa 55 million dirham qiyaastii ($ 15 milyan).

Nambarka “11” ayaa kaalinta labaad ku jira waxaana la siistay 6 milyan iyo 440 kun dirham.

Xaraashka ayaa ahaa tartan xiiso leh waxaanu ka koobnaa Taarikooyin laba-god ah, sida “11”, “10” iyo “22”. Lambarka taarikada “333” ayaa lagu iibiyey kaliya AED 600,000,000.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso