Haweenay Shaqaale Itoobiyaan ah oo Gawracday Nin Iyo Xaaskiisii ay u Shaqaynaysay Dalka Lubnaan

Haweenay Shaqaale Itoobiyaan ayaa Gawracday kuwii ay u shaqaynasyay wadanka Lubnaan gaar ahaa degmada Al-Rabieh ee waqooyi bari ee caasimadda, waxayna kala ahaayeen Charles O S oo dhashay 1952 iyo xaaskiisa Suha K X oo dhashay 1960-kii.

Suha ayaa loo qaaday Isbitaalka Sarhal iyada oo xaalad adag ku jirta kadibna geeriyootay iyada oo ninkeeda Charles loo wareejiyay Isbitaalka Abu Gouda iyada oo loo wado daaweyn degdeg ah.

Gabadha shaqaalaha ayaa waxaa xidhay ciidamada booliska ee Rabieh waxaana lagu wareejiyay qeybta macluumaadka waxaana lagu wadaa baadhitaan si loo ogaado duruufaha dembiga ee ku saleysan tixraaca garsoorka Lubnaan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso