” Guushaada waa lala jiraaye, gees ha ka ahaanin” Dr Mohammed-Culimo.

” Guushaada waa lala jiraaye, gees ha ka ahaanin”
Dr Mohammed-Culimo.
Doorashaddii madaxtooyadda ee ka dhacday Somaliland (Nov 13, 2017) waxay ahayd guul qaranka u soo hoyatay, shacabkuna dareenkooddii way muujiyeen. Si wanaagsan oo niyad sami ah ha loogu haneeyo loona  hambalyeeyo musharaxa shacabku doorto, hana laga shaqeeyo midnimadda iyo wadajirka xiligga kala guurka.
Madaxda xisbiyaddu waa inay muujiyaan masuuliyad, dadkana ka daayaan wararka abuuri kara kicin dadweyne iyo dabaal degyo ka hor dhaca wakhtigooda.  Natiijadda oo raagtaa waxay xagal daac ku samayn kartaa quruxdii doorashadda , waxaanay abuuri kartaa shaki iyo jibo aan jihaysnayn. Xisbi kasta madaxdiisu way ogyihiin codadka ay goob kasta ka heleen iyo wadarta guudba. Sidaas darteed, waxa haboon in gudidda doorashooyinku ay natiijadda hore ugu dhawaaqaan.
Sidaas oo kale, danta dalka iyo sharaftu waxay ku jirtaa in la sugo natiijadda rasmiga ah ee gudidda doorashooyinku ku dhawaaqi doonaan insha Allah.
Khaladaad farsamo iyo cabashooyinba way ka dhalan karaan doorashaddii madaxtooyadda ee la qabtay laakiin way adag tahay in kushubasho dhacdo. Wixii u baahan hubin iyo sixid waa in loo maro nidaamka iyo habraaca doorashadda.
Gudidda doorashooyinka qaranku waxay u eeg yihiin daacad iyo dhexdhexaad aan dhinac jirine, quruxdii doorashadda yaan la qiimo ridin.


Dr Mohamed Yusuf Aw Ali
London,UK

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso