DUNIDU MAXAY KA TIDHI DOORASHADII MADAXWEYNENIMO EE SOMALILAND EE 2017? Cabdinaasir Axmed

DUNIDU MAXAY KA TIDHI DOORASHADII MADAXWEYNENIMO EE SOMALILAND EE 2017? Cabdinaasir Axmed
Qaan-gaadhnimada Siyaasadda Dumuqraaddiga ah ee Somaliland iyo ahmiyadda Juquraafi siyaasadeed ee ay leedahay xilligan ayaa keentay in aan warbaahinta dunidu Carab iyo Cajabba indhaha ka qarsan karayn. Warbaahin badan oo kala jaadjaad ah ayaa si xidhiidh ah arrintan doorashada si yaabo kala duduwan wax uga qoraysay.

Maadaama ay aad u dheeraanayso in dhammaantood la soo min-guuriyo(turjumo) Markii aan soo wada akhriyay waxa aan ka sameeyay nuxur aniga oo lingaxa (Link) hoos dhigaya mid walba si qofkii warbixin dheeraad ah ka rabaa uga bogan karo. Hawshan culus oo saacado badan naga qaadatay waxa aan ugu mahadnaqayaa ugu horreyn Cabdikariin Xuseen oo warbaahinta Carbeed gaar ahaan jariiradaha intuu soo akhriyay nuxur ka soo sameeyay. Mustafe Khayre oo ciddii kasta ee arrintan wax ka tidhaa ba iga la soo xidhiidhayay oo ii soo dirayay iyo Cabdirsaaq Cabdi oo isna liis ay ku jiraan warbaahin badan oo aanan arkin igu daray, dhammaantood waxa aan ugu mahadnaqayaa shaqada hufan ee Qarankooda ay u qabteen abaalna waan ugu hayn dooonaa. Sidoo kale waxa jira dadyow badan oo jeclaa hawsha in ay gacan ka geystaan hasa yeeshee, mashquul awgeed aanan la xidhiidhin kuwaasna waxaan leeyahay way iga maqan tahay kaalintiinii Rabbi ha idin sharfo.

Warbixintan hormooyin ayaan u soo kala dayn doonaa haddii xagga Rabbi laga helo, ugu horreyn bal aan ku bilaabno waa kuma kuwa wax ka qoray Somaliland Doorashadeedii Madaxweynennimo? 
Waxa ka mid ahaa; 
1. The Guardian 
2. Horn diplomat 
3. Daily Nation 
4. Associated press
5. Financial Times
6. The economist 
7. Bloomberg politics
8. The Washington post
9. France 24-TV
10. BBC World Service
11. Press TV
12. Al Jazeera English 
13. Human rights Watch
14. Africanews
15. ABC news
16. VOA
17. Business insider by Pulse 
18. Som tribune daily horn news 
19. News24
20. YOUM7: اليوم السابع 
21. AL-Mujtamac: المجتمع
22. Albawabhnews : اليوابة
23. Carabi21: عربي21
24. Al-Hayat: الحياة

JARAA’IDDADA CARBEED

Warbaahinta Carabtu inta badan qaddiyadda Somaliland waxay ay ula dhaqmaysay ismoogaysiin, muhimad badanna ma siin jirin, hase yeeshee muddooyinka danbe wax weyn baa arrintaa iska beddelay, waxa arrintaa sii kordhiyey xafiltanka ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo loollanka juquraafi-siyaasadeed ee gobolka geeska Afrika ka taagan. 
Doorashadii 13kii bisha ka qabsoontay Somaliland, guud ahaan warbaahinta dunidu aad bay uga hadashay, warbaahinta Carbeedna si laxaad leh ayey arrinta doorashada u qaadaa-dhigtay. Halkan waxa aan idiinku soo gudbin doonaa warbixinihii ay wargeysyada iyo mareegaha Carbeed ka qoreen doorashada madaxtinimada Somaliland..

1-YOUM7. اليوم السابع 
Mareegta Yawm 7 waxa ay ka qoratay doorashada Somaliland:
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dooranaysaa madaxweyne cusub. Waxaana doorashadii saddexaad ee madaxtinimo oo ka qabsoonta,tan iyo markii ay maxadbannaanidooda kala soo noqdeen Soomaaliya.
Inkastoo ay degenaanshaha iyo hannaanka maamulba kaga horreyso Soomaaliya,haddana dal keli ahi ma aqoonsana Somaliland, beesha caalamkuna waxay u tixgelisaa uun qayb ka mid ah Soomaaliya.
Jamhuuriyaddan yare e lamadegaan u ekaha ah, oo ay ku nool yihiin dad afar milyan lagu qiyaaso, wada doorashadeeda ku tartamaya saddex murashax oo kala ah, Muuse Bixii oo xisbiga talada haya ee Kulmiye ka socda, C/raxmaan Cirro oo Waddani ah iyo Faysal Cali Waraabe oo Xisbiga Ucid ah.
Shantii sanaba mar ayey doorashadu ka qabsoontaa dalka, hase ahaatee doorashadan dibudhac baa ku yimi, waxaana sabab u ahaa abaartii ka dhacday gobolka iyo arrimo farsamo. Ololihii doorashadu wuxu soo idlaaday jimcihii ina dhaafay,iyadoo ay doorashada isu diiwaangeliyeen dad ka badan todoba boqol oo kun, loona adeegsaday nimadaamka diiwaangelinta casriga ah ee Biometric oo ah markii horraysay ee la adeegsanayo.
http://www.youm7.com/…/%D8%A7%D9%84%D9%8A%D9%88%D9%…/3507963

2- AL-Mujtamac : المجتمع 
Muwaadiniinta maamulka Somaliland maanta waxay u dareereen goobaha codbixinta, si ay doortaan madaxweynahoodii saddexaad tan iyo markii ay madax-bannaanidooda ku dhawaaqeen 1991kii, iyagoo aan weli helin aqoonsiga caalamka. Waxa irridaha loo furay goobaha codbixinta saaka 7:00 subaxnimo(waqtiga Somaliland) waxaana lagu wadaa in la xidho 6:00 fiidnimo (waqtiga Somaliland). Waxa ku tartamaya saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid. Dadka doorashada loo diiwaangeliyey waxa ay kor u dhaafayaan 700kun oo qof, waxa laga codanaynayaa 1642 goobood oo ka kala tirsan 21 degmo-doorasho ee lixda gobol ka kooban.

Helitaanka aqoonsi caalami ah iyo yaraynta shaqa la’aanta dhallinyarada ee Somaliland ka jirtaa waa waxyaahaba ugu muhiimsan ee xisbiyada tartamayaa ku ololaynayaan.

Goddoomiyaha guddida doorashooyinku sida uu warbaahinta u sheegayna, laga bilaabo marka goobaha codbixintu soo xidhmaan waxa xayiraad lagu soo rogi doonaa warbaahinta bulshada, si looga hortago in la faafiyo natiijo been abuur ah, khalkhalkana looga ilaaliyo habsami u socodka doorashada.
Tiiyoo aan Soomaliland la aqoonsanayn haddana doorashada waxa la soo qayb galay 15 safiir iyo 60 goobjooge oo dalal badan ka kala yimi, si ay u korjoogteeyaan in doorashadu si xor ah u dhacday.

Waxa xusid mudan in doorashadan dib u dhac ku yimi , oo lagu waday inay qabsoonto 2015, waxa dib loogu dhigay abaaro dalka ka dhacay awgood.
https://mugtama.com/…/2…/item/63526-2017-11-13-08-15-26.html

3-Albawabhnews :اليوابة

Jamhuuriyadda Somaliland waxay dooranaysaa madaxweyne cusub, doorashada madaxweynaha xilka hayaa ma sharaxna. Jamhuuriyadda oo dadkeeda lagu qiyaaso afar milyan, waxa ku tartamaya saddex murashax. Somaliland oo ahayd maxmiyad Ingiriis 1960 ayey la midowday Soomaaliya, ha ahaatee 1991 ayey dib ula soo noqotay madaxbannideedii, murkii uu burburay taliskii askarta ee Siyaad Barre hoggaaminayey. Ololohii doorashadu wuxu dhammaaday jimcihii tegay. 700kun dad ka badan ayaa u diiwaangashan codbixinta doorasha , yadoo la adeegsaday nidaam casri ah oo codbixiyaha sawirka isha laga qaaday. Sida guddida doorashooyinku ka dhawaajiyeen waxa la xaiyri doonaa warbaahinra bulshada (Facebook,Twiter, Whatsup, itc) marka codbixintu dhammaato ilaa inta natiijada lagu dhawaaqayo. Hay’adda xuquuqda Aadanu waxay sheegtay sida ay uga xuntahay go’aankaa guddidu qaatay. 
Haggaanka Somaliland inta badan waxay carrabka ku adkeeyaan sida aqoonsi la’aantu u dabrayso horumarka waddanka, iyo sida aanay caawimo iyo amahtoona uga helin bangiga adduunka iyo hay’adaha caalamiga ah ee la midka ah ba.

https://www.albawabhnews.com/2800444

4- Carabi21 : عربي21

Maanta waxa ay doorasho madaxweyne ka dhacaysaa Somaliland oo ah dal aan la aqoonsanayn,halkaas oo ay kursiga ku tartamayaan saddex murashax oo ah : Muuse Biixi (xisbiga talada haya) Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabwe. Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaadayna ma tartamayo.
700kun baa isu diiwaan geliyey doorashadan, shanti sanaba mar ayaa la soo dartaa madaxweynahaya, hayeeshee dibu dhacyo ayaa ku yimaadda. Somaliland oo dadkeeda lagu qiyaaso Afar milyan waxay ku naalloonaysaa deggenaanso , dagaal sokeeye oo qadhaadh dabadii ,waxay madaxbannaanideeda ku dhawaaqday 18 may 1991kii .

Ka Goosashadii Soomaaliya 
halganka gooni isutaaggu wuxu bilaabmay horraantii seddeetameeyadii qarnigii tegay. Siyaasiyiin reer Somaliland ah ayaa ku kulmay London 1981kii halkaas oo ay kaga dhawaaqeen “dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed”. Dhaqaaqaasi wuxu halgan Siyaasadeed, mid dhaqaale iyo warbaahineed ba la galay taliskii Siyaad Barre, waxaanay saldhigyo ka furatay Itoobiya. Weeraro isdaba-joog ah iyo halgan dheer ka dib waxay ka adkaadeen taliskii Siyaad barre. Waxaanay magaalada Burco ku qabteen shir nabadeed oo gooni isu taag lagaga dhawaaqay, dawlad ku meelgaadh ahna lagu dhisay, waxa madaxweyne loo doortay goddoomiyihii Jabhadda Cabdiraxmaan Axmed Cali .

Hannaanka Maamul

Dastuurka Somaliland waxa afti dadwayne oo 97% ah lagu ansixiyey 31 may 2001dii . Dastuurku wuxu dhigayaa in shanti sanaba mar la soo doorto madaxaweynaha dalka iyadoo la maraya hannaanka xisbiyda badan. Waxa jira laba gole (wakiiladda iyo guurtida) oo midkiiba 82 xildhibaan ka kooban yahay, doorasho guudna ku yimaadda muddo xileedkooduna shan sano yahay.
Saldhigga Ciidan ee Imaataadka
Yadoo aan Imraadku Somaliland aqoonsanayn haddana wuxu ka samaystay magaalada Berbera saldhig ciidan. 
https://arabi21.com/story/1048813/

5- al-Hayat: الحياة 
Jamhuuriyadda Somaliland waxa dooranaysaa madaxweyne cusub, doorashadan oo aan madaxweynaha xilka hayaa sharraxnayn, waxa ku tarmaya sadex murashax. Jamhuuridada Somaliland cidi ma aqoonsana , beesha caalamkuna waxay u tixgelisaa qayb ka mid aha Soomaaliya. Shantii sanaba mar bay doorashadu ka dhacdaa.

Waxa jimcihii Soo gebageboobay ololihii doorasha , waxaana lagu wadaa in ay maanta codkooda dhiibtaa dad kor u dhaafaya 700kun, oo isu diiwaangeliyey codbixinta. 
http://www.alhayat.com/Articles/25354466/

Intaa haddii aan ku soo waabinno nuxurkii jaraa’idda carbeed wixii ay ka qoreen Somaliland Doorashadeedii waxa aan halkaa ka sii amba qaadi doonaa warbaahinta reer Galbeedka iyo Beriga wixii ka yidhaahdeen doorashadan.

LA SOCO…

Advertisement

Ku Xayeysiiso