War-fidiyeeno ka Shaqaynayay Idaacad uu Maalgaliyo Maraykanku kuna eedeysan Basaasnimo Cambodia oo Maxkmada La soo Taagay

Maxkamad ku taal Cambodia ayaa ku soo oogtay basaasnimo laba weriye oo ka tirsan Idaacadda Asiyada Xorta ah oo ay taageerto Maraykanku.

Weriyeyaashan reer Kamboodiya waxaa lagu eedeeyay inay siiyeen waddan ajanabi ah macluumaad wax u dhimaya amniga qaranka.

Radio Free wuxuu sheegay inay joojiyeen in ay la shaqeeyaan suxufiyiintani bishii Sebtembar ee la soo dhaafay ka dib markii xafiiskii Cambodia la xidhay cadaadiska uga imanaya dawladda awgii.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso