Nin xumaa daneeyoo Waxa jira damqanayee Yaanu xagal ka daac iyo Gol daloolo kala helin

Nin xumaa daneeyoo Waxa jira damqanayee
Yaanu xagal ka daac iyo Gol daloolo kala helin

Deegaanta noloshiyo

Darantiyo samaantana

Ninkii doonayoow taas

Daw loo maraa jira

Umad yahay daryeelkaa

isku duubnidaa iyo

Adigiyo dedaalkaa

Dawadaadu waa taas

Dhan hadday ka debecdana

Gabbalkaa dam weeyaan

(Maansadii Hadrwaawi)

Jariirada Dailymail ee UK kasoo baxday Deccan chronicle Dalka india Newyork Post iyo dhamaan jariiradaha caalamku waxay qaadaa dhigayeen dimuqraadiyada iyo xasiloonida ka hirgashay Somaliland waa fursada kaliya ee aynu wax ku iibin lahayn waxay ahayd guul qaranka u soo hoyatay, shacabkuna dareenkooddii way muujiyeen. Si wanaagsan oo niyad sami ah ha loogu haneeyo loona hambalyeeyo musharaxa shacabku doorto, hana laga shaqeeyo midnimadda iyo wadajirka xiligga kala guurka.
Madaxda xisbiyaddu waa inay muujiyaan masuuliyad, dadkana ka daayaan wararka abuuri kara kicin dadweyne iyo dabaal degyo ka hor dhaca wakhtigooda. Natiijadda oo raagtaa waxay xagal daac ku samayn kartaa quruxdii doorashadda , waxaanay abuuri kartaa shaki iyo jibo aan jihaysnayn. Xisbi kasta madaxdiisu way ogyihiin codadka ay goob kasta ka heleen iyo wadarta guudba. Sidaas darteed, waxa haboon in gudidda doorashooyinku ay natiijadda hore ugu dhawaaqaan.
Sidaas oo kale, danta dalka iyo sharaftu waxay ku jirtaa in la sugo natiijadda rasmiga ah ee gudidda doorashooyinku ku dhawaaqi doonaan insha Allah.
Khaladaad farsamo iyo cabashooyinba way ka dhalan karaan doorashaddii madaxtooyadda ee la qabtay laakiin way adag tahay in kushubasho dhacdo. Wixii u baahan hubin iyo sixid waa in loo maro nidaamka iyo habraaca doorashadda.
Gudidda doorashooyinka qaranku waxay u eeg yihiin daacad iyo dhexdhexaad aan dhinac jirine, quruxdii doorashadda yaan la qiimo ridin.

Qalinkii Ahmedyasin sh cumar Ahmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso