Muranka Cod-bixinta Doorashadda Somaliland Wuu Sahlan Yahay Axmed Maxamed Diiriye (Toorno

Muranka Cod-bixinta Doorashadda Somaliland Wuu Sahlan Yahay

Axmed Maxamed Diiriye (Toorno); ahmedmdiriye@yahoo.com

 Xalka is-maan-dhaafka ka soo if-baxay cod-bixinta doorashadda Madaxweynenimo ee Somaliland, oo aan weli natiijadeedii lagu dhawaaqini wuu sahlan yahay. Haddaba;  waa in baadhitaan sharci iyo farsamo dedgdeg loogu dhaqaaqo, isla markaan cid kasta oo ay ku cadaato musuq amaeedayn been ah lagu qaado denbigooda; balse aan mililka dusha laga dhayin; oo ay taladeenu ka ka korto NABADGELYADDA ILAALI, DUCO, QAADO, IYO BAAQ.. Ugu horrayn, waxaynu haysanaa xogaha ku xusan qodobadda soo socda; oo loo adeegsan karo xaqiiqo raadinta iyo xalka muranka.

 Xogta 1aad: magacyada iyo raad-fareedka (Finger printing) 873,331  cod-bixiye oo ay diiwaan gelintoodu ansaxday (Mar keliya is diiwan geliyay).

 Xogta 2aad, magacyada iyo raad-fareedka (Finger printing)  704, 089 oo kaadhkii cod-bixinta qaatay, oo la filayay inay codeeyaan 13/11/2017. Siddaa awgeed, waxaan kaadhkii cod-bixinta qaadanin 169,242 oo dhiganta 81% dadkii is-waan geliyay.  .

Xogta 3aad: magacyada iyo raad-fareedka dadka codkooda dhiibtay 13/11/2017; oo ay dhamaadkii cod-bixinta wada saxeexeen Gudoomiyaha Komishanka ee goob kasta iyo muraaqibiinta saddexda qaranba

 Xogta 4aad: tirada goob kasta ka codaysay iyo inta ansaxday, iyo waliba tirada xisbi waliba helay; oo ay dhamaadkii cod-bixinta wada saxeexeen Gudoomiyaha Komishanka ee goob kasta iyo muraaqibiinta saddexda qaranba

 Haddaba, marka goob kasta la is-barbar dhigo ee la isu eego dhamaan xogaha sarre ku xusan, saddex arrimood midkood ayaa soo baxaysa, oo mid walibana xalkeeda ay leedahay; kuwaasoo kala ah.

 Kow, inay is-waafaqaan xogahani dhamaanba goobaha cod-bixinta; sida tirooyinka, magacyadda cod-bixiyeyaasha, iyo tirsiga kaadhadhka iyo sumadda hubinta  (Card number and verification code), iyo raad-fareedka (Finger print); halkaasoo xalku noqonayo in lagu socdo natiijadda cod-bixinta ee Komishanku hayo. Haddii ay arrintani cadaato; waxaa DENBIGA yeelanaya cid kasta xajiimanaysa cod-bixinta, Komishanka, iyo xisbiyadda kaleba.

 Labba, in goobaha qaarkood khaladaad laga helo; balse codadka laga filayay goobaha khaladka laga helay aanay waxba ka bedeli karayn kala horraynta musharraxiinta. Arrintan xalkeeda waa in lagu socdo natiijadda la hayo; balse talaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid kasta oo ay masuuliyadooda ahayd inay khaladkan ka hortagaan amaba lug ku lahayd.

 Saddex, inay xogahani is-waafiqi waayaan goobo badan, oo wadarta codka laga filayay uu saamayn ku yeelan kari lahaa kala horraynta codadka xisbiyaddu kal heleen. Haddii arintani dhacdona; xalku wuxuu noqonayaa in la laalo cod-bixinta; isla markaana oo doorasho kale la qabto, iyo talaabo sharci laga qaado cid kasta oo ku lug lahayd khaladka la cadeeyay.

 Ilaahyow toobiayha toosan nagu hagaaji.

Advertisement

Ku Xayeysiiso