Maxaa Lagu Ogaan karaa Codka Saxda ah iyo ka Foojariga ah ee Somaliland ?

Bulshada Somaliland oo ku caano Maashay, iskaashi, horumar, iyo isku duubni Wada jir ah ayaa gashay dooraasho xor ah oo aan qofna lagu juujuubayn.

dorashadaasi kadib waxaa komishinku u tafa xaytay sidii u usoo saari lahaa tirinta codadka lagu kala guulaysan doono, oo wakhtigii loogu talo galay dhaafay, hase ahaate intii anay gaadhin ku dhawaaqitaankii codbiyeyaasha ama natiijadii hordhaca ahayd ee dadkii codeyey iyo sida loo kala helay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in la sameyey isdaba marin iyo waraaqo foojari ah, sida kasoo yeedhay xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani oo isla markaana soo bandhigay Waraaqo tilmaamaya arimaha foojariga.

Intaasi markii ay dhacday waxaa guud ahaan ay dalkii ku keentay ruxan fara badan oo ay bulshadu ka dareen celisay dhinac walba.

intaasi kadibna komishinka doorashooyinka ayaa iyaguna u dhag taagay xisbigaasi oo waxaa u furmay wada hadal lagu gorfaynayo ama sixid lagu samaynayo arinkaasi u cabashada kasoo gudbiyey xisbiga mucaradka ah ee wadani.

si kastaba ha ahaate waxaa aan halkan idinku soo bandhigaynaa, qaabka saxda ah ee loo baadhi karo kaadhadhka kushubashada ah iyo kuwii sida rasmiga ah u codeeyey ee Doorashada Somaliland.

Waxana Lagu Ogaan karaa Qaababkan soo Socda.

  1. Qofkasta oo Codeeyey Waxaa Lagu Ogaan karaa, Warqadii u ku codeeyey numberka Sirta  ah ee ku Yaala, iyo Numberka Ku Hadhay Copyga Buugii warqadan laga soo jaray oo La isku eego, Taasi oo qof kasta lagu ogaanayo Halka u u codeeyey iyo Waliba ka saxda ah sanduuq kasta oo lasoo bandhigo.
  2. Codeeye kastaa waxaa u Wataa kaadh u ku codeeyey oo Leh Number sir ah, oo lagu qoray Liiska codeeyaha, taasi oo lagu ogaan karo numberka saxda ah ee u diwaan gashan komishinka doorashooyinka oo iyadana halkaasi lagu ogaanayo codka foojariga ah.
  3. Qof kasta Waxaa laga qaaday Fingar Print ama Suul, kaasi oo u diwaan gashan komishinka hadii si daacad ah loo baadho isagana lagu ogaanayo codka saxda ah.

Hadaba qodobadan iyo qaar kale oo badan  ayaa lagu heli karaa hadii la sameyey Musuq maasuq is daba marin ah, oo lagu sameyey codayntii Muwaadiiniinta sida xadaarada leh u codeeyey.

Sanadkan Maha sanad la isku samayn karo khiyaamo la xidhiidha Waxyaabaha la wada leeyahay, Sababtoo ah Aqoonta bulshada ayaa la socota tignoolajiyada hada la isticmaalo.

W/Q: Maxamed Siciid Gaaxnuug

Advertisement

Ku Xayeysiiso