MARKA DHIBI DHACDO, QURBOJOOG DHOOF.

Noovember 17, 2017

Haddaan is qabyaaladeyno Haddii aan kala qaloono

Haddeynu is wada qaniino Haddii la is wada qilaafo

Shalay nolo qiimo dhaanta Haddeynu qorsheysan weyno

Haddan qabyadeena baahsan dharaar qudha eegi weyno

miyey qaranimo tisqaadimiyey noloshu qiimo yeelan

Miyuu dadku qiri libteena

Codkii Sahra Halgan, weedhihii Abwaan Weedhsame

 

“ Baasaaboorkeygii mee, caruur iyo reer  midna dalka igama joogee” ayaa noqon doona weedha uu qurbojoogu ku hadaaqi doono marka dhib iyo dhaawac yimaado. Xabaal iyo ninkeed loo kala tag ayaa noqon doonta maahmaahda hageysa bulshada. Dadka dhibtaa iyo dhaawacaasi uu saameyn  taban ku yeelan doonaa waa qolqoljooga  oo in badanoo noloshooda ka mid ah u babac dhigay   dhibaatooyinkii  dalku ka soo  gudbey.

Dalalka aduunka ayaa  had iyo jeer guul ama guuldaro ku muta kolba sida dadka u dhashey ee daneeya ay ugu hawlgalaan   horumarkooga iyo hantaaqadooda.  Waa laba  arimood  oo kolba ka ay bulshadu doorato uu  noqonaya midhaha ay  gurtaan  dadkaasi, dalkaasina tilmaan ku yeesho. Guushu dalna lamay dhalan, guudaraduna iskama timaado.  Bulshada dalka Soomaaliland waxay u qaybsan tahay saddex qaybood oo midba leeyahay kaalintiisa.

Koox waa kuwii soo halgamey,garanaya waxay  Somaliland ula soo noqotay xornimadoodii ay u boqno gooyeen midnimadii qoomiyada Soomaaliyeed. Saddexdaa kooxood  ayaa mid waliba waxaa damqaya  ujeedada uu u heelan yahay. Waxaase maanka suubani ogyahay inay ujeedadoodu kala duwan tahay. Qaar ka mid ahina ay dan gaar ahaaneed uun u heelan yihiin, shicibkuna noqdeen hubkii  ujeedooyinkaa kala duwan lagu gaadhi lahaa. Waxaa la gudboon bulshada rayidka ah ee reer soomaaliland inay aad uga feejignaadaan noqoshada salaam la adeegsado oo meel sare lagu koro, Haddaba saddexdani aan eegno siday uga falceliyeen ujeedada hankooga iyo himiladooda ka dib doorashada xaraga leh eek a dhacdey dalka Jamhuuriyada Soomaaliland oo aad indhaha aduunka u soo jiidatey. Wali laguma dhawaqqin go’aankii kama danbeysta ahaa ee doorshada ka soo baxey, hase yeeshee waxaa dhagaha dadka soo gaadhaya  tirade codadka ay kala hagyaaan xisbiyada tartanka ku jiray.

  • Kooxihii naf iyo maalba u huray dalka iyo dadka: Kooxdani waa indheer garad had iyo jeer u heelan ah nabad iyo horumarka dalka. Xil uma muuqdo ee dalku inuu horumaro, bulshadu badhaadho ayey siiyaan mudnaanta. Dadkaa waxaa ka mid  ah mudane xasan Guure.  Mudanahan oo ka hadlaya xaalada dalka olihii, doorashadii iyo rabashadaha yaryar ee dhacey ka dib wuxuu yidhi:  “Maamulkeena lama amaano,maxkamadaheena lama amaao,xuquuqda bani’aadamkeena lama amaano,maaliyadeena lama amaao,

 

Waxaa kaliya ee aad la inoogu amaanaa waa sida aynu kursiga ula kala wareegno ee nabadgalyada ah  ee dimuqraadiga ah, waana waxa dalaku ku dhismaan. Markaa ummada Soomaaliland waxaan ku hanbalyeynayaa sida fiican ee ay u codeeyaan ee xorta ah een turxaanta laheyn, waxaan intaa ku darayaa xisbiyada oo aad moodo inay wali kaambeynkii(ololihii) ku jiraan , kaambeynkii wuu dhamaadey xisbi mucaarid ahi ma jiro, xisbi muxaafid ahi ma jiro, dhamaantiin waxaadwada tihiin murashaxiiniminka , hadalkiinii wuu dhamaadey   waxaan idinka codsaneynaa  ineydaan  saaxada  iyo saxaafada midna hadal danbe ku soo celin inta natiijada la soo sheegayo  aar Illaahey baan idinku dhaarinee afkiina naga haysta” . Waxaa isna  isla goobtaa ka Hadley rag ka mid ahaa kooxdan oo ay ka mid yihiin mudanayaasha Maxamed Xaashi Cilmi iyo Cabdisalaan Yaasiin iwm…

 

  • Kooxda labaad waa qurbojoog aan dalka iyo dadku waxay soo mareen la soo mudan. Hase yeeshee ay u suurtogashey inay markuu dala iyo dadku liibaaneen la jaanqaadey, kana helay fursado aaney dadkii soo rafaadey  ee u dhabar-adeygay  dhibtii soo gaadhey aan wadaagin. In dheefta la wada wadaago, wanaagu markuu jirana la wada wanaagsanaado waa arin caadi ah oo ka mid ah hab-dhaqanka nolosha aadamaha.

 

Kooxdani waxay hareer marsan yihiin in wanaaga ay dadka iyo dalku gaadhey wax ku yihiin, aaneyna wax ku aheyn baasaboorada iyo dalka ajnabiga ah ee ay degan yihiin.  Mid waliba  silica ka jira dalalka ajnabiga ah ee ay degan yihiin  oo ay  ka soo bxi waayeen ayaa keentay inay dal nabad ah iyo dad wanaagsan ka helaan soo dhaweyn xad-dhaaf ah.  Caruurtooda iyo reerahoogu ma joogaan dalka, markey dhibi dhacdana wax  khasaare oo soo gaadhayaa ma jiro. Waxaa kaliya ee ay u baahan yihiin inay baasaboorka shandada ku jira ka soo saaraan iyo tigidhka diyaarada si ay reerahoodii iyo caruurtoodii ula qaybsadaan nolosha qurbaha. Marna ma siwaydiinayaan bay kula tahay akhristoow  dhibta iyo khasaaraha ku imanaya dadka  iyo dalka Jamhuuriyada Soomaaliland.

 

  • Kooxda saddexaad waa dhalinyaro aan la garaadsan halgankii iyo dhibtii dalkan loo soo marey. Waxaa inta badan maankooga ku adag inuu garawsado waxaa Jamhuuriyada Soomaalialnd dib ula soo noqotay  Ma hayaan taariikhdii Juun 26dii, 1960kiiiyo May 18kii, 1991kii siday ku yimaadeen, sida loo boqno gooyey, iy  halgankii dheeraa ee  loo soo marey si ay Ingiriis dalka uga kiciyaan bulshadii reer Soomaaliland ee xilligaa jirtay. Sidoo waxaa dhalinyaran madmadow badani kaga jiraa jiritaanka Soomaaliland. Mar  doorashada ka dhacda Dalka Soomaaliya ee Farmaajo ayey u mashxaradaan, mar Xamar bay u hanqal taagaan, mar  Soomaaliland bay ka mid yihiin oo ay ka rabaan dheef iyo dhuuni. Si ahaan waa la gabay oo lalama wadaagin taariikhda dalka Jamhuuriyada Soomaaliland.

 

Dhayalsiga ka yimid  sooyaal la wadaagid la’aanta  ayaa  raad weyn ku leh falgaladooda kala duwan. Siyaasiyiinta ka jra Jamhuuriyada Soomalaialnd ina dhalinyarada kala jiitaan oo kala qololeeyaan, marna durbaan qaloocan  u garaacaan mooyee marna la isma odhan maxaan u qaban karnaa. Waxaa dhalinyaradan gabay waayeelka, aqoonyahanka, halgamaagii, iyo inta u mudan bulshaa ee dhex joogta ama dusha ka eegaysa.

 

Dhalinyaradani waa mustaqbalkii dalka; waa aayihii beritoole ee dalka; waa hormoodkii ummada ee timaadada;  waa indhihii iyo ubaxii dalka Jamhuriyada Soomaaliland.  Dhalinyaradani waxay mudan yihiin inay lagu kobciyo markey Sanaag biyo la’aani ka jirto inay dhamaan wada dareemaan oo damqadaan, marka colaadi ka jiro  Burco inay u wada hawlgalaan daminta colaada iyo nabad abuurida, marka  meel ka mid ah dalka Soomaaliland ama  qof ka mid ah bulshada reer Soomaaliland wax tirsanayo in la wada garab istaago. Kuma haboona dhalinyaran in loo adeegsado xurgufta siyaasadeed; kuma haboona dhalinyaradni in loo adeegsado mudaharaado iyo duminta dalka; kuma haboona dhalinyaradani in booliska dalku  xabaddo ku furo; inay dilkooga iyo waxyeeladooda laga shaqeyo maaha; …. Ilaahow iyagana u fudeydi inay gartaan   waxay yihiin iyo waxay doonayaan inay noqdaan ee togan…

 

Waxaan qoraalkan gaaban ee talo iyo tusaale u ah dal iyo dad aanu  u damqanayno, guushoodana aannu ku doogsanayno, guuldaradoodana ay na  dhibeyso   odhaahdii  u maanta la wadaagey bulshada reer Soomaaliland madaxweynaha  talada dalka haya iminka ee mudane Axmed Maxamed  “Duco-qabayaal, waxaad ka dhigan-tihiin, Geed Dhagax lagu tuurayo, oo isaguna midho u soo daadinaya Qofkii Shiiday.   Waxaan Shacbiga Somaliland u cadaynayaa, in aan loo dul-qaadan doonin, cid kasta oo isku dayda, in ay abuurto fidno iyo fad-qalallo, isla markaana, khal-khal gelisa amniga iyo deganaanshaha Dalka. Waxaan leeyahay shacbiga, is dejiya oo ha wel-welina, kalsoonina qaba, dhinaca kalena, ilaaliya nabadgelyada iyo xasilloonida.

Waxa reebban, in Xisbi gaar ahi ku dhawaaqo inuu guulaystay, ka hor inta aan Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqin natiijada doorashada. Waxa reebban, in taageerayaasha Xisbiyadu sameeyaan debaal-degyo iyo mudaharaado toonna, ka hor inta aan Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqin natiijada doorashada. Waxaan farayaa Hay’adaha Amniga, in ay daba-gal buuxa ku sameeyaan, dadka ku hawlan dibin-daabyada dalka iyo abuurista colaad sokeeye, waxaana waajib ah, in la horkeeno garsoor iyo cadaalad madax-bannaan.

Waxaan ugu baaqayaa, musharixiinta iyo madaxda Xisbiyada Qaranka, in ay xakameeyaan cadhada iyo caadifadda taageerayaashooda. Dhinaca kale, waxa waajib ku ah, in ay taageerayaashooda ka ab-hiyaan bannaan-baxyada iyo rabshadaha. Mar kale, waxaan ugu baaqayaa Xisbiyada qaranka in ay cabashadooda u maraan dariiq sharci, isla markaana u hoggaansamaan anshaxa iyo   awaamiirta ay soo saaraan Guddida Doorashooyinka Qaranku. Waxaan leeyahay musharixiinta tartamaysa, ha filanina in aad guulaysataan qudha. Hasa-yeeshee, waa in aad filataan, oo cindigiina gelisaan, guul iyo guul darro”.

Tusan,

Fu’aad Sheekh

Bahda Mareegaha Farshaxan

www.farshaxan.comiyo  www.farshaxan.org

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso