Gudin Yahay Imaad Goyseene Badhkay ayaa Kugu Jira!!

Gudin Yahay Imaad Goyseena Badhkay ayaa kugu jira!

Dalkeena waxaa ka qabsoomay marka la iskuwada daro illaa shan doorasho oo { one man one vote} laga soo bilaabo 2003. Xukuumada daciifka ah ee dalka aynu jaarka nahay ee somaliya doorashooyinkaa hore ee sida nabadgalyada inoogu dhacay mid kaliya oo ay inoo soo hambalyeysey  may jirin. Maxaa tan hadda dhacday ay inoogu soo hambalyeysay? Ma la isweydiiyey Ujeedada Xukuumada Muqdisho ee Somaliya inoo soo hambalyeysay ?

Waxaan qabaa ujeedo qarsoon ayaa jirtay , markay aragtay ifafaalaha soo muuqda iyo wadarta codadka xisbi waliba haysto waxa ay bilowday inay qas iyo jahawareer dalkeena ka rido oo ay inoo soo adeegsadaan waxma-garato iyo maati inaga ah oo aynu dal wadaagno. Rabshadahaa fiidkii caawa ka bilawday Burco, ceerigaabo iyo Hargeysa  cida soo abaabushay waa walaweyntaa iyaga oo nus milyan muwaadiniin Somaliland ah xasuuqay illaa haddana inaga hadhi la’,  “Gudin Yahay imaad goyseena badhkay ayaa kugu jira”

Shacabka waxaan usoo jeedinayaa inay arintaa dhug u yeeshaan oo ay u midoobaan . dagaal shisheeye oo hor leh ayaa hadda muuqda oo taa caawa dhacday ay ugu horeyso.

Doorashadaa nabadgalayada inoogu dhacday sumcadii Somaliland waa la ogaa halka ay gaadhay. Ta la inagala dagaalamayaa waa taa iyo arimo badan oo kale .

Ciidamada kala duwan ee Somaliland waxaa usoo jeedinayaa inay heegan buuxa galaan oo dalka ay difaacan , sheekadu doorasho iyo arimahaa way ka guda weyntahay, …. Shalay Muwaadin Silaanyaa 80 cod dalka iyo dadkiisa ugu tudhay oo aqbalay kursiga dalka ugu sareeya inuu kaga tago, waxaa ka dambeeyey Mudane Rayaale oo isna arimo kale oo taariikhda galay 2010 la yimid markuu labadii xubnood ee xisbigiisa ka tirsanaa ee natiijada ka horyimid uu afka jarbiyey.  Maxaa keenay  in  masuuliyiinta Wadani iyada oo aan natiijadiiba lagu dhawaaqin inay kiciyaan bulshada illeen hadalkoodii ayaa rabshadahaa dhacay sabab u ahaaye, waxaaba intaaba kasii darnaa markuu Musharax Ciro warbaahinta la hadlaayey caawa oo aan markii hore is idhi malaha taariikhdii Rayaale ayuu dhigi doonaa oo xubnahaa hadlay ayuu sidii Rayaale oo kale ka yeeli , taa inuu ka yeelo ha joogtee waxaa kasoo baxay wax kadaran ,  haddii ay iyagu sheegeen ku meel gaadh inay u hakiyeen isagu waxa uu tilmaamay inay si rasmi ah u joojiyeen wada shaqayntii komishionka.  Markaa miyaan meel kale looga yeedhayn. Waar dalka aynu difaacano oo dawlad iyo shacaba haloo diyaar garoobo .

Cabdirasaaq Askar

Hargeisa,Somaliland

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso