Bilayska Jarmalka ayaa helay gaadhi la waayay 20 sano ka hor!!!

Bilayska Jarmalka ayaa helay gaadhi 20 sano ka hor la waayay magaalada Main warbaahinta Jarmalka ayaa sidaas sheegay.

Qof deggan magaalada Jarmalka ayaa booliska u sheegay 1997-kii in baabuurkiisa la waayay 20 sano kadibna wuxuu ogaaday in uu baabuurkiisa kaga tagay dhismo warshad oo uu iloobey.

Gaadhiga ayaa la heley ka dib markii la go’aamiyay in la burburiyo dhismaha.

Bilayska ayaa u celiyay baabuurka mulkiilaha, laakiin gaadhiga ayaa ah mid aan la isticmaali karin.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso