Bakhtiga Xuut Weyn Oo kor u qaaday xiisaha iyo xanaaqa dad badan!

Xuut miisaankiisu dhan yahay 30 tan ayaa ku soo caaryay xeebta Rio de Janeiro isaga oo soo jiitay indhaha dad badan.

Koox dad ah Xeebta Ipanema Beach ayaa qaaday Sawiro dhowr ah Xuut weyn oo ka soo muuqday xeebta Jasiirada Arbudor ee Ipanema Beach.

Bilayska maxalliga ah ayaa xidhay agagaarka deegankan si looga hortago inay dadku u soo dhowaadaan.

Biologist Rafael Carvalho oo ka tirsan Jaamacadda Rio de Janeiro (UERJ) ayaa sheegay inay aad u yar tahay in la ogaado sababta uu u dhintay Xuutkani.

“Waxaa jira wax badan oo la sheegi karo hadda,” ayuu yidhi Carvalho. Waana Lab qiyaastiisu waa 13 illaa 15 mitir dhererka”.

Tan iyo markaas bogagga shabakadaha bulshada ayaa la soo dhigay sawirro badan oo dhacdooyin qariib ah ayaana soo muuqday oo ay ku jiraan xilliga ay yimaadaan mas’uuliyiinta si ay ula wareegaan goobta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso