Tacsi Gudoomiyaha Kulmiye Diraayo Geerida Marxuum Alle ha u naxariistee Marxuum Yoonis Aadan Mire

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
16 November 2017
TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yoonis Aadan Mire oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa shalay oo taariikhdu ahayd 15/11/2017.

Geerida Marxuum Yoonis Aadan Mire waxa uu Guddoomiyuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee degmada Gacanlibaax ee Hargeysa Md. Axmed Yoonis Aadan (Juxa) oo Marxuumku ahaa aabbihii.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso