Sunihii Mudane Siilaanyo ee 80 Cod iyo Saadaasha Hadda ee 80 Kun?

Sunihii Mudane Siilaanyo ee 80 Cod iyo Saadaasha Hadda ee 80 Kun?

 

Tan iyo wakhtigii ay Somaliland ka hirgashay nidaamka tartanka ku dhisan axsaabta badan oo ku beegnayd 2003, waxaa lagu soo tartamay kursiga Madaxweyne nimo ee Somaliland laba jeer oo hore 2003 iyo 2010 iyo tii sedexaad oo ah  tan manta dhacday 2017.  Haddaynu yara dul istaagno oo aan dib idiin xasuusiyo siday u dhacday iyo natiijooyinkii labadaa doorasho ee hore 2003 UDUB 205590 Cod Kulmiye 205,510 Cod iyo Ucid oo helay 77,160 cod.  Tii ku xigtay ee 2010 KULMIYE ; 266,906 , UDUB; 178,881 , iyo UCID oo helay 92,459.

Haddaba, Waxaa xusid mudan in Mudane siilaanyo oo ah Madaxweynaha hadda ka dagay hogaanka in uu dhigay sune ku dayasho mudan oo dalka Somaliland u soo jiiday Sumcad iyo Wanaag aynu ka kasbanay guud ahaan Beesha Caalamka markii uu kaga tagay ee uu aqbalay 80 cod.

Waxaa iyana xusid mudan Doorashadii ku xigtay ee 2010 in Mudane Rayaale lagaga helay sideetameeyo kun inuu isna dhigay taariikh mahadho ahayd oo illaa hadda aan quluubta shacabka Somaliland ka bixin, waxayna ahayd markii laba xubnood oo ahaa saraakiishii Xisbigii UDUBi ay si lama filaana warbaahinta uga sheegeen in lagu shubtay oo ayna aqbalayn natiijada, balse Mudane Dahir Rayaale uu la yimid ku dhac iyo geesinimo ka dib markuu warbaahinta u sheegay inuu aqbalay natiihada islamaraana aan la dhagaysan hadalka kasoo yeedhay xubnahaa hadlay.

Waa laba taariikhood oo mudan in la is xasuusiyo marka la barbar dhigo Doorashadan hadda oo la saadaalinaayo in lagu kala guuleysto ama lagu kala hormaro codad dhan 80 kun. Wallow laga dhursugaayo Gudida Doorashada Somaliland maalmaha inagu soo foolka leh. Musharaxii laga guuleysto ee aqbalaana waxa uu qaaday jidkii labadaa hogaamiye ee taariikhda somliland ku suntan , haddii uu daadafeeyana waxa uu gali doona bog madow oo aan shacabka Somaliland waligii aanu illaawin marka la eego sumcada iyo wanaaga doorashadina inoo soo hoysay ee aynu kaga kasbanay beesha caalamka.

Waxaa iga talo ah in aan la suulin sunihii Mudane Silaanyo iyo taabicidii Mudane Rayaale.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeisa,Somaliland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso