Hadduu Ismaciil Yare maro jidkii Jugsoo dhacay, Musharax Cirro mala iman doonaa ku dhicii Rayaale??

Hadduu Ismaciil Yare Maro Jidkii Jugsoo dhacay, Musharax Cirro Mala Iman doonaa ku-dhacii Rayaale?

Abdirazak Askar

Natiijadii doorashadii 2010 markii la iclamiyey ayaa war bulshada
Somaliland aad iyo aad uga xumaadeen waxay ka maqleen Xoghayihii
Xisbigii Udub oo loogaga adkaaday doorshadaa, waxa uu ku dhawaaqay in
ayna aqbalayn natiijada oo loogaga shubtay. Hadalkaasi waxa uu
bulshada ku abuuray warwar ay ka cabsi qabeen in xasilooni daro dalka
ay ka dhacdo. Basle wax yar kadib waxaa warbaahinta yimid oo la hadlay
 Daahir Rayaale Madaxweynihii wakhtigaa ahaana Gudoomiyihii Xisbigii
Udub.

Haddaba, waxaa xusid mudnayd oo aad loola dhacay talaabadii
geesinimada lahayd ee uu qaaday Mudane Rayaale iyo sida uu uga
damqaday shakhsiyaadka magaciisa iyo sharaftiisaba inay baabiiyaan
doonayey. Mudane Rayaale waxa uu wakhtigaa shacabka ka jaray waran ku
taagnaa, isaga oo tixraacaya hadaladii masuuliyiintiisii wakhtigaasi
ku daadafeeyeen natiijada doorashada, waxa uu sheegay hadaladaa
ragaasi faafiyeen inayna waxba ka jirin oo uu aqbalay maxsuulka
natiijada doorashada .

Haddaba, markaad eegto shakhsiyaadka garbaha ka taagan murashax ciro
waxaa ugu fadalo cad-cad Ismaciil Yare kana mid ahaa xubnihii xaga
dambe kaga soo biiray xisbiga wadani, oo shakhsi weerar, afxumo iyo
hanjabaado ay kasoo burqanayeen lagasoo bilaabo maalintii uu xisbiga
wadani kusoo biiray illaa  maalintii u dambaysay ollolaha doorashada
ee xisbiga wadani u lahaa oo uu si aad u foolxun oo laga yaxyaxay uu u
aflagaadeeyey Madaxweynaha talada kasii dagaaya ee Silaanyo. Haddaba ,
Ismciil yare haduu maro jidkii jug soo dhacay , Musharax Ciro mala
iman doonaa geesinimadii iyo ku dhacii Mudane Rayaale .

Talaabadaa uu qaaday Daahir Rayaale wakhtigaas waxay ka mid ahayd
waxyaabaha taariikhda u galay ee ay Shacabka Reer Somaliland guda iyo
dibedba ay u ogyihiin , sharaf iyo abaalna ay  ugu hayaan.

Gabagabadii, waxaan iga talo ah oo aan kula talinayaa Musharax Ciro
hadii aad guuldaraysato in Raga kugu  wareegsan ee uu ugu horeeyo
Ismaciil yare in haddii ay maraan jidkii jugsoo dhacay , Alle Ma
mariyee… in aanad illaawin marinkii Muwaadin Rayaale.

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa ,Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso