Guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka Bilaabantay Codaynta Doorashada Madaxyooyadu iyo Dadweynaha oo Safaf Dhaadheer ku jira.

Waxa guud ahaan Jamhuriyadda Somaliland Saaka looga Dareeray Codbixinta Doorashada Madaxtooyada.

Doorashadan ayaa ah Mid lagu dooranyo Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland yeelato noqonaysa Doorashadii lixaad ee Somaliland ka qabsoonta.

Saaka Salaadi Subax ayay dadku Safafka u galeen si ay codkooda u dhiibtaan iyada oo dhaxan badani jirto.

Magaalada Caasimada Hargeysa oo aanu soo marnay Goobaha Cod bixinta ayaa ay dadweynuhu ku jiraan safaf aad u dhaadheer iyada oo si habsami leh u socoto Codayntu.

Sideeda Degmo ee Caasimada Hargeysi ka kooban tahay oo anu soo marnay dhamaantood way ka socotaa.

Wararka aan iyana ka helayno degoomiynka iyo gobolada dalka ayaa iyana noo xaqiijiyey in dadweynuhu u soo baxeen in ay codkooda dhiibtaan.

Amaanka ayaa xoog loo adkeeyey guud ahaan dalka.

Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa
Jamhuuriyadda Barakaysan ee Somaliland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso