Wariye Caan ah Telefishanka Ruushka Oo Madaxa Iska Toogtay Si uu uga takhaluso cadaabka kansarka

Soo Saaraha Barnamij Caanka ah Telefeeshinka Ruushka Boris Notkin ayaa maydiiksa laga helay bishii November 11-keedii gurigiisa oo ku yaala xaafada Duleedka Moscow , ninkaas ayaa qoray warqad nabadgelyayn ah sheegayna inuu is-diley isaga oo ka takhalusay cadaabka uu ku hayo xanuunka kansarka.

“Waxaan rabaa inaan naftayda iskaga qaado si ikhtiyaari ah, sababtoo ah waxaan runtii la daala dhacayaa cadaabka iyo dhibaatada,” ayuu ku yidhi Notkin warqada uu qoray.

Horaantii warbaahinta qaarkeed ayaa soo warisay in jidhka Nautkin laga helay rasaas. Waxayna sheegeen inuu la il daran kansarka aan la daaweyn, taasoo keentay in uu is dilo.

Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta ee Golaha Federaalka ee Ruushka Alexei Boschov ayaa tacsi u diray ehelka iyo asxaabta ku saabsan geerida weriyihii telefishanka waxaana uu sheegay in warku uu naxdin ku noqday.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso