Kulan Aqoonyahanka reer Somaliland ku Faaqideen Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa(ToggaHerer)-Kulan ballaadhan oo ay aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Somaliland ku lafo-gureen buug-siyaasadeedka waxqabadka xisbiga KULMIYE ee shanta sano ee soo socotay, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxana ka qaybgalay xubno aqoonyahan oo uu hormood u yahay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.
Kulankan oo xalay lagu qabtay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa ayaa si qoto dheer loogu faaqiday tiirarka muhiimka ah ee uu buug-siyaasadeedka KULMIYE ka kooban yahay iyo meelaha u sida gaarka ah diirrada u saarayo, waxana lagu bayaamiyey inuu buugaasi xambaarsan yahay arrimo muhiim u ah horumarka dalka iyo dadka reer Somaliland.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu daadihinayey faaqidaadda lagu sameeyey buug-siyaasadeedka KULMIYE, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu bulshada ugu fadhiyo Buugani, waxana uu shaaciyey in haddii KULMIYE la doorto uu dalka ka hirgelin doono boqolaal mashruuc oo dhinaca horumarinta ah, kuwaas oo si faahfaahsan ugu xardhan buugga.
Dhallinyaro aqoonyahan ah oo madasha buuggan lagu faaqidayey ka qaybgalay, ayaa su’aalo kala duwan oo ku saabsan buug-siyaasadeedka KULMIYE weydiiyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu qayb libaax ka qaatay qoritaanka Buuggan, kaas oo si faseex uga jawaabay dhammaanba su’aalihii ku saabsanaa buugga ee la weydiiyey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso