Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee 13 November 2017 oo Diyaar u ah in ay u Kala Baxaan Lixda Gobo lee Somaliland.

 

 

 

 

Somaliland international election observation mission

Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee 13 November 2017 oo Diyaar u ah in ay u Kala Baxaan Lixda Gobo lee Somaliland.

 

 

Iyada oo ay inagu soo fool leedahay doorashada saddexaad ee Madaxtooyadu oo dhacaysa 13 ka November 2017, waxa Hargeysa si rasmi ah u soo wada gaadhay 60 xubnood oo ah goobjoogayaasha caalamiga ah kuwaas oo ka kala yimid 27 waddan waxa aanay dhawaan u kala bixi doonaan gobollada Somaliland.

 

Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee doorashooyinka waxa marti geliyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka waxaana maalgeliyay dawladda Ingiriiska. Goobjoogayaashu waxa ay u qabanayaan hawshooda si waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee goobjoognimada doorashooyinka iyada oo awoodda la saarayo dhexdhexaadnimada goobjoogenimada.

 

Iyada oo ay tahay doorashadii madaxweyne ee saddexaad (marka la eego cobdixintii 2003 iyo 2010), waa doorashadii ugu horraysay ee la adeegsaday nidaam cusub loo adeegsaday diiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo ka dhigan markii ugu horraysay ee habka casriga ah ee aqoonsiga indhaha iyo faraha loo adeegsado doorashooyinka Afrika. Goobjoogayaasha Caalamiga ah waxa hoggaaminaya Qaybta Qorshaynta Horumarka ee Jaamacadda UCL iyo ururka Somaliland Focus UK. Goobjoogayaasha caalamiga ahi waa markii afraad ee ay goobjoog ka noqdaan kana war bixiyaan Somaliland laga soo bilaabo 2005 tii.

 

Isu imaatinka ay Goobjooyagaasha oo dhamaystirani isu yimaadeen 8 dii bisha November waxa ka horreeyay qiimayn lagu sameeyay ololihii kaambaynka ee doorashada ka horreeyay, qiimayntaas oo ay sameeyeen maareeyayaasha kooxdu, kuwaas oo dalka iyagu soo gaadhay ka hor intii aanuu bilaabmin kaambaynka doorashadu 21kii Oktoobar. Ilaa markaas, Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa ay qabteen kulamo si wanaagsan looga soo qayb galay oo ay ka mid yihiin dood guud oo ku saabsan goobjoogenimada doorashooyinka, ka qayb-galka haweenka ee siyaasadda iyo xaaladda saxaafadda ee Somaliland. Waxa ay sidoo kele la kulmeen daneeyayaasha waxa aanay diyaariyeen wax badan oo loogu baahnaa sidii tiradaas badan goobaha loogu talagalay loo gaadhsiin lahaa. Goobjoogayaasha oo dhamaystiran waxa loo qabtay tababar degdeg ah oo dhowr cisho socday ka hor inta aan goobaha loo dirin kaas oo hadda soo dhamaaday waxa ay goobjoogayaashu u diyaarsan yihiin shaqada adag ee maalinta doorashada iyo wixii ka dambeeyaba. Goobjoogayaasha badankoodu waxa ay Somaliland ka dhoofi doonaan 16 ka bisha November. Koox tiradoodu kooban tahay ayaa dalka ku hadhi doonta si ay goobjoog uga ahaadaan muddada doorashada ka dib oo ay ku jirto xilliga ku dhawaaqista natiijadu. Goobjoogayaasha caalamiga ahi waxa ay soo saari doonaan warbixintooda ugu dambaysa qaybta hore ee sannadka 2018.

 

 

Dr. Michael Walls oo ka tirsan qaybta horumarinta ee jaamacadda UCL, ahna madaxa Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa uu yidhi:

 

“U diyaargarowga hawshani waxa ay ahayd mid adag, waxa aanu ku niyadsannahay taageeradii aan la qiyaasi Karin ee aanu ka helnay daneeyayaal badan oo Somaliland ah, iyo dawladda Ingiriiska oo hawshan iyadu maal gelisay. Innaga oo imika arkayna shaqadii adkayd midhaheedii, waxa aanu rajaynaynaa in aanu arki doono doorashada oo ku dhacda si nabadgelyo iyo ruux sarraysa ah taas oo noqon doonta tallaabo kele oo hore loogu qaaday horumarka dimuqraadiyadda Somaliland”.

 

 

 

Qoraal ku socda Saxaafadda

 

  1. Haddii aad rabtid in aad waraysi dheeraad ah la yeelato mid ka mid ah kooxda isku xidhka goobjoogayaasha, fadlan la soo xidhiidh Conrad Heine (Isku xidhaha xidhiidhka warbaahinta ee Goobjoogayaasha Caalamiga ah) adigoo kala xidhiidhaya 0634685255 ama ieosomalilandmedia@gmail.com. Sawirro ayaa iyagana laguu hayaa.

 

  1. Somaliland waxa ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda ay ka qaadatay Soomaaliya sannadkii 1991 ka dib markii ay burburday dawladdii Soomaaliya. Ilaa hadda si caalami ah looma aqoonsan.

 

  1. Goobjoogayaasha waxa lagala socon karaa mareegta Somaliland Focus UK: somalilandfocus.org.uk, @SomalilandFocus iyo www.Facebook.com/EOMSomaliland2017

Advertisement

Ku Xayeysiiso