Erdogan : Maxamed Binu Salman Ma jirto Wax la Yidhaa Islaamka Dhexdhexaadka ah!!!

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhaleeceeyay Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed binu Salman oo horey uga hadlayey “Islaamka dhexe ee Muctadalka ah.

“Dooddu waxa ay mar kale ka bilaabantay Islaamka dhex dhexaadka ah” ayuu yidhi Erdogan, isaga oo sheegay in ay tahay Erey ay sameeyeen Reer Galbeedku.

“Hadda Ruuxa isticmaala ereygani waa inuu u sheegaa naftiisa in ereygani yahay mid isaga xagiisa ah, waxaan ku leeyahay isaga: Maya waqtigani maahan fikraddaada.”Ma jiro Magac ama erey la yidhaahado Islaamka dhexdhexaadka ah ama mid dhexdhexaad ah, Islaamku waa mid ,qofna maaha inuu isku dayo in Islaamka ka dhigo Diin Daciif ah isaga oo diinta Islaamka sharaxaad ka bixinaya,” ayuu yidhi.

Hadalkan madaxweyaha Turkiga ayaa yimid mar uu ka hadlaayey munaasabadda xaflada xidhitaanka tababarka haweenka oo ay soo abaabuleen Wasaaradda Qoyska iyo Nidaamka Bulshada iyadoo la kaashaneysa Ururka Caalamka Islaamka.

Dhaxal Sugaha Sucuudiga ayaa Hore u sheegay in uu Sucuudiga dib ugu celinayo Wax uu ugu yeedhay Islaamka Dhex dhexaadka ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso