Codkaaga Ku Caymi Dalkaaga-2- Mustashar Axmed Xasan Carwo

Codkaaga Ku Caymi Dalkaaga-2-

 

Mustashar Axmed Xasan Carwo

Waxaan maqaalkii hore ku soo qaaday qaar ka mid ah sifooyinka murashaxiinta Kulmiye kaga mudan yihiin murashaxiinta kale, maantana gadaal ayaan qaar kale ku sheegi doonaa. Laakiin aan toos ula hadlo bulshoweynta danyarta u badan ee dalkeena. Wallow horumar lexaad leh xukuumadda kulmiye dalka gaadhsiisay, haddana saboolnimada iyo shaqo la’aanta looma helin xal munaasib ah.

Ictiraaf la’aantu waxay toos u taabanaysaa horumarkeena, aniga oo ka qatan inaynu helno kaalmooyin iyo amaaho caalami ah oo horumarineed, haddana waxa ku jira barnaamajka talaabooyin cuddoon oo arrintan wax lagaga qaban doono. Dib u eegidda nidaamla cashuuraha si loo helo nidaam ku dhisan awoodda muwaadinka, lana hormariyo cashuurta tooska ah, halka manta cashuurteena badiya tahay tan kastamka ee dadban. Waxa iyana la xoojin doonaa isticmaalka shilina iyo talaabooyin wax ku ool ah oo lagula dagaalami doono sicir bararka.

Waxa barbar socon doonta barnaamaj dhismaha danta guud oo iska wax u qabso ah, kuwaas oo abuur doona kolkay hirgalaan shaqooyin jooto ah.

Xukuumadda Kulmiye waxay heshiisyo maalgashi la gashay DPW iyo xukuumadda Imaaradka, hirgelinta mashaariicda heshiiska ku qoran ee 2 da bilyan ee doolar ah, waa qaar shaqo abuur lexaad leh laga heli doono. Waana guulaha KUlmiye. Taas waxa lid ku ah xisbiga Wadani oo si badheedh ah u sheegay inuu laali doono heshiisyadaas.

Waana mid ay ku kala duwan yihiin labada xisbi. Mid waxuu rabaa in mashruuca weyn ee caalimeynta dekedda iyo abuurista suuqa xorta ah ee Cigaal saadaaliyey inay Berberi mustaqbalka noqon doonto Singaporta Africa oo Kulmiye ah, Wadanina waxuu rabaa in dib loo noqdo, oo dhulka loo qordeeyey horumarka Berbera eek or u qaaday ididiiladii Soomaliland guud ahaan, gaar ahaan reer Saaxil ay noqdaan meel  gorayo ka haaday.

Ku dooro Kulmiye mustaqbal wacan oo horumar iyo  hiigsi sare leh.

Horaa loo soconayaa ee dibu socod diid, codkaagana ku caymi dalkaaga.

Mustashar Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha iyo Maalgashiga

samotalis@gmail.com

https://www.facebook.com/aharwo/?ref=bookmarks

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso