Tacsi Gudoomiyaha Kulmiye u diraayo Geerida Marxuumad Shukri Hirad

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

   11 November 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Shugri Hirad Maxamed oo ku geeriyootay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta taariikhdu tahay 11/11/2017.

 

Guddoomiyuhu waxa uu geeridaMarxuumad Shugri Hirad Maxamedka tacsiyadaynayaa dhammaan qoysaska ilma Gabax Libaax oo ay marxuumaddu hooyadood ahayd.

 

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso