Rabow noo door kii diintayada dadkayaga iyo dalkayaguba mahadiyaan ma dooran karno anaguye

Rabow nodoor kii diintayada dadkayaga iyo dalkayaguba mahadiyaan ma dooran karno anaguye

Muddo kobyo labaatan cisho kadib ,

 shalay waxaa soo gabagaboobey ololihii xisbiyada  , halkaasoo intuu ololuhu socday  ay dadwaynuhu ku kala duwanaayeen taageeridooda.

    Inkastoo isku soo baxyadaa dadwaynaheenu xamaasad watay , waxa a ah in ilaahay lagu mahadiyo mar hadii khasaarihiisu yaraa , mooyaane dhaqan xumo dhalinyaradeenu inamo iyo halaba ay  ku kaceen .

  Intaa markaan ka imado maanta oo ay bishu tahay 11 / 11 /20017    Waxaa haataan doorashadii ka hadhay mudo aad u yar oo ah bari oo ay bishu tahay 12 / 11 /20017  ,  waxaan kaliyee naftayda iyo nafihiina kula dardaarmayaa inaynu qabyaaladan aynu wax ku dooranayno iska dhaafno , oo qof kastoo inaga midi istiqaaraysto yacnii  rabigii isku xidho isagoo leh ilaahoow qalbigayga iyo quluubta mujtamacayaga kasaar qabyaalada oo noo door kii diintayada ,  dadkayaga , dalkayaga horumarin kara ee ay mahadin donaan  , oo raboow quluubtayada kasaar inaanu qabiil wax kudoorano .

Ugu danbayn aynu  ku ducaysano inuu rabi inoo dooro murashaxii dadkeena iyo dalkeena wax u tari kara intaas ayaa iga xasuusina .

     Mahadsanidiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso