Nabadda iyo qarannimadu waa biri-ma-geydo! Soomaalilaan yaanay inala fududaan.

Inline image 1

Xisbi, qabiil iyo gobol midna ina deeqi karin, waxa kaliya ee ina deeqaana waa Soomaalilaan. Waxa aynu nahay isku dan, waxaana aynu wada saaran nahay doonni kaliya. Waxa aynu wadaagno ayaa ka badan waxa ina kala qaybiya. Indhaha aynu ku arkayno kala duwanaanshaheenna yar, aynu ku aragno waxa aynu wadaagno ee badan. Wixii ka xumaada qayb innaga mid ahi marnaba uma hagaagayaan qaybteenna kale, waayo waxa aynu nahay ummad isku tiirsan oo aanu ruuxna iskii isku taagi karin, daqiiqad qudhana aan kala maarmi karin, sidaas awgeed yeynaan u dhaqmin sidii ummad kala maarantay, wax walba oo wanaagsanaana u xumayn kala taageeridda shakhsiyaadkaas kursi-u-qooqa ah. Waxa aynu nahay wiil iyo abtigii, nin iyo seedigii, iyo dad habro-wadaag, ilma’abti iyo ilama’adeer isku wada ah, midina mid kama foga, balse waxa kaliya ee aynu waxaas oo dhan ku halmaamnay ayaa ah kaliya kala taageeridda saddexda shakhsi ee dantooda u xusul-duuban! Waxa ay sababeen in aynu isku aragno ummad kala maarmi karta, ummad aanay waxba ka dhexayn oo kala tegi karta, dantooda ugu weynina iyaga waxa ay ku jirtaa in ay shacabka kala qaybiyaan, halka ay danteennu ku jirta midnimada iyo wada-jirka, waxaana ay nimankaasi innaga dhiganayaan sallaan ay kursiga ku gaadhaane, ma jiro abaal kale oo ay inoo hayaan! Shacbiyahow kuwaasi yaanay idin lug-goyn, booraan aydaan ka soo bixi karinna yaanay idiin qodin iyagu waa niman berriba kaa dhoofi doona’e, rafaadkana adiga ayaa la leel-leeli doona iyada oo aanay cidina kula qaybsanayn. Soomaalilaan waa qaran lagala soo baxay dhimbiilo dhexdood ee yeynaan maalmaheennii guulaha iyo geeddigeennii xaq-u-dirirka ahaa ku seegin geel-jiranimadii iyo qabyaaladdii aan nolosha casriga ah la jaan-qaadi karayn, dunida casriga ah burbur mooyee aan hal mitir dhisi jirin.

Soomaalilaaneey, isku mashquulka aynu dhexdeenna isku mashquulnay waxa uu ina illowsiiyey wakhtiga xasaasiga ah ee aynu ka gudbayno iyo cadawga innagu xeeran, immikaba waynu arkaynaa sida uu cadawgeennu u diyaarsaday fagaare uu ku daawado ciyaarta dhagarta qabta ee uu innoogu duceeyo, waxa uu jecel yahay inuu daawado garoonka ay ka socoto ciyaar ah Soomaalilaan oo is dooxaysa, is dilaysa oo dhiiggeegu qubanayo, waana ciyaarta uu ugu jecel yahay in uu maalin uun arko! Waxa uu inoo jeexayaa illin belaayo oo aynaan diyaar u ahayn. Dhanka kale, cadawgeennu waxa uu gaas la daba taagan yahay goob kasta oo in yar oo qiiq ahi ka soo muuqdaan si uu u holciyo, ugana shido dab aan la bakhtiin karin, isaga oo inoo soo xidhay shaadh Soomaalilaan ah ama waddani iskaga keen dhigaya, wakhtigan oo kalena aad bay suurogal u tahay taasi. Waar hooy, xariir nin huwani isma arkee, quruxda qarannimada waxa dareemi kara kuwa aan weligood dowladnimo arag, qiimaha nabaddana waxa garan kara qofkii colaad soo arkay’e, Soomaalilaan yaanay inala fududaan! Qarannimada sida loo dhisaa waa ay adag tahay, sida lagu dumiyaana waa ay fududahay ee Soomaalilaan wax ka sokeeya ha yeelina! Wixii 27-ka sannadood aynu soo yabyabayna yeynaan ku doorsan damaca shakhsi danayste ah. Maalinta aynu jilicsan nahay doqmaheenna yaan la innoogu soo dhuuman’e aynu yeelanno dareen sarreeya oo biyo hoostood wax ka arki kara iyo garasho feejigan oo ka shishaysa is haysiga muddaysan ee uu ololaha doorashadu dhabarka ku sitay. Nabadda iyo qarannimadu waa biri-ma-geydo iyo dan aynaan ku kala tegi karin ee aynu wada ilaashanno, wixii dhaawacayana aynu gees ka wada marno.

Maxamed Sharma’arke

facebook.com/Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso