Murrashaxa KULMIYE oo Ka Qaybgalay Shirka Sanadlaha ah ee Arrimaha Saxaafadda Somaliland

Hargeysa(ToggaHerer)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaygalay shirka sanadlaha ah ee arrimaha saxaafadda Somaliland iyo maalinta saxaafadda oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA.
Shirkan oo Sannad walba la qabto 8-da bisha 11-aad isla-markaana la soo gebogabeeyo Maalinta Saxaafadda Somaliland oo Sannad walba la xuso 9-ka bisha 11-aad oo ku beegan Maalintii uu Geeriyooday Aabbihii Saxaafadda Somaliland Maxamuud Cabdi Shide oo loo asteeyay inay noqoto Maalinta Saxaafadda Somaliland, ayaa si ballaadhan loogu falan-qeeyey Caqabadaha Saxaafadda iyo Suxufiyiinta haysta, Horumarka dhinaca Agabka ay ku shaqeeyaan iyo sidii loo kordhin lahaa aqoonta Suxufiyiinta, si loo helo Weriyeyaal Shacabkooda u gudbiya Warar sugan oo aan lid ku ahayn Horumarka iyo Barwaaqada Dalku hiigsanayo, waxana ka qaybgalay Suxufiyiin gaadhaya Boqol iyo Konton Xubnood oo Gobollada Dalka iskaga kala yimid, ayaa waxa Abaal-marinta CAWKE AWARD la guddoonsiiyey Weriyeyaal ku guuleystay War-bixinno khuseeya Arrimaha Bulshada oo Sannad walba lagu tartansiiyo War-fidiyeennada, si hoos loogu dhigo Wararka ku saabsan Siyaasadda, korna loo soo qaado Wararka iyo War-bixinnada taabanaya Nolosha Shacabka.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadal dheer oo uu shirkaas ka jeediyey kaga sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay warbaahinta Somaliland, horumarka ay samaysay iyo waajibaadka saxafiga looga baahan yahay, waxana uu war-fidiyeennada kula dardaarmay inay ku dedaalaan sidii ay u kobcin lahaayeen aqoonta iyo xirfaddooda saxafinimo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso