Laba Aragtiyood Oo Hirdamaaya Wakhti Dhaw Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Laba Aragtiyood Oo Hirdamaaya Wakhti Dhaw

 

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

 

Artagtida (Nidaamka Siyaasadeed Ee Somaliland wuu gudhay.. oo waxaynu u baahanay nidaam siyaasi ah oo cusub) Vs Aragtida (Nidaamkeena siyaasadeed ee maanta waa mid fiican oo kaliya u baahan in aynu wakhti siino si horumarku u yimaado).
Berrida dhaw cashar ayay inoo sidaa ee yaynaan ka kibrin in aynu wax ka barano
قال تعالى: أفلم يسيروا في الأرض فتكون لهم قلوب يعقلون بها أو آدان يسمعون بها فإنها لا تعمى الأبصار ولكن تعمى القلوب التي في الصدور) صدق الله العظيم..سورة الحج.
si kooban oo walibana ku qoran luuqad aad u fudud:
1. Haddii doorashadani 2017 ay somaliland wax uga kordhaan (musharaxa uu doonaa ha ku badiyee) dhinacyadan:
b) Amniga
t) sarraynta sharciga
j) Wada jirka iyo midinimada shacbiga
x) Dawlad wanaaga iyo la dagaalanka musuqa
waxa guulaysanaysa aragtida 2aad waxaana guul darraysanaysa aragtida aan anigu laftayda aan qabo oo aan ilaa 2015 aan ku soo cel-celinaayay in nidaamkan siyaasadeed ee maanta jiraa uu ina gaadhsiinaayo bur-bur wakhtiga ay doonto ha noqotee… sidaa daraadeed waxa laga maarmaan noqonaysa in aan raaligalin bixiyo oo walibana maxkamad layla tiigsado, maadama aan tashuush badan ku furay geediga horumarka ee dalka, waxaana waajib igu noqonaysa in aan dib waxbarashadayda u bilaabo, maadaama ay cadaatay in aanan waxbaba ka garanayn siyaasad sidoo kalena waxba ka garanayn somaliland.
Balse laakiin haddii uu dalku dib uga dhaco xaalada uu maanta ku sugan yahay, marka laga eego qodobada kor ku xusan, waxa maxkamadayna mudnaanaya cid walba oo si uun uga qayb qaadatay qabsoomida doorashadan, hadii ay olole tahay, ama doodo ay u qabato ….iwm, waxayna ku mutaysanayaan maxkamadaynta maadaama ay dalkeena u horseedeen dibu dhac aanuu qaadi karin, iyagaana laga doonayaa inay maareeyaan dhibta ka dhalata nidaamkan fashilmay, hadday yihiin xukuumad iyo axsaab, iyo dhamaan inta nidaamkan siyaasadeed u sacabinaysay.
waxaana markaasi aynu isku raacaynaa in aynaan mar dambe rinyiyayn nidaam qalfoof ah oo cago ku taagnayn, balse waxaynu u dhaqaaqaynaa i aynu nidaam cusub dalkeena u dhisno.
Ilaahay ayaan ugu mahad naqayaa nimcada facebook-ga, oo ah xaashi aanuu waligii ka masaxmayn qoraalkan aan qoray, oo waxay noqonaysaa mid Ilaahay (SWT) igula xisaabtamo, ummaduna igula xisaabtanto, aniguna aan kula xisaabtamo dadka kale.
F:G: Qoraalkani maaha mid la xidhiidha filashadayda , haday tahay rajo ama dayrin, balse waa mid la xidhiidha labada aragtiyood ee hirdamaya ee aan kor ku xusay.
Dalkayga aan jecelahay ee aan daganahay ee hooyaday iyo aabahay iyo caruurtaydu dagan yihiin, mar kastaaba wanaag iyo khayr iyo barwaaqo ayaan ugu duceeyaa una rajeeyaa….
Somaliland Allow Dhawr.. aamiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso