Codkaaga Ku Caymi Dalkaaga-1- Mustashar Axmed Xasan Carwo

CODKAAGA KU CAYMI DALKAAGA-1-

 

Mustashar Axmed Xasan Carwo

 

Waxa soo dhammaaday ololahi doorashada Madaxtooyada. Waxa isniinta 13KA November loo dhaqaaqaya codeynta. Waa maalin aan ku soo marayn 5 sanadood ee soosocda, Waa maalin aad toos u hayso talada dalkaaga. Waxa ku horyaal warqad ay ku qorantay seddex xisbi Wadani, Kulmiye iyo UCid oo sida ay u  kala horeeyane. WAxaad ku kala dooranaysaa waa wax yaabihii ay sheegeen xiligii ololaha iyo garaadkaaga ood la kaashatay.

 

Haddaba taladeyda oo ah in Kulmiye loo codeeyo iyo Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici waxay ku salaysantay. Wax qabadka muuqda iyo waayo aragnimada ay u leeyihiiin hoggaminta. Waa laba nin oo u soo joogay dhacdooyina sameeyey taariikhda ma guuraanka ah ee Soomasliland. Waa nin u soo jihaaday oo naftiisa u horey inuu dulmigii kelitaliska ahaa dhulka dhigo. Waxuu Muuse ka soo duulay Maraykan oo uu iska degi lahaa sida inta badani sameyso. Taas waxa ka daran in intaanu gaadhin SNM laba jeerba leysku dayey in la qabto oo dib loogu celiyo Soomaliya. Waa nin samir badan, dul qaad leh, calool adeeg iyo geesinimo leh. Nin aragti dheer oo muddo dheer ku soo jiray dariiqa hogaanka dalka, maantana ay u muuqato inuu dalka Madaxweyne ka noqdo. Kumuu soo boodin oo ma aha jug soo dhacay. Wuu u soo kifaaxay. Waxuuna yaqaan halka wax laga gunto.

Cabdiraxmaan Saylici waa nin qarannimadu la weyntay oo mabda leh. Nin ka hawl galay dhidib  u taaga qarannimada Saoomaliland. Nin hormood ka ahaa nabadeyntii beelaha Soomaliland, safka hore kaga jiray shirkii Boorame. Waa xisbiyahan aasaaskii Kulmiye gobalka Awdal kow ka ahaa, xili taageerada Kulmiye ka ahayd wax la qarsado gobalka Awdal. Doorashadii deegaanka, wuu is taagay wuuna ku guuleystay . Nin samo fale ah oo qayb lexaad leh ka qaatay dhismaha Jaamacadda Camuud. Waxuu Madaxweyne xigeen ahaa 7 sano iyo badh. Waxuuna guntaday waayo aragnimo qoto dheer.

Kolkaad labada Murashax isku darto waa nin gudaha ku jiray oo ogsoon waxii horumar la hantay iyo meelaha dhugta lala waayey iyo nin barnaamajkii xisbiga kow ka ahaa, xukuumadda debedda ka joogay lana socday meelaha la il duufay, halka qalooc jiro,  dareenka dadka, iyo halgankii dheeraa ee xisbiga iyo xukuumadda soo dhex maray. Waa waayo arag u bisil inuu baajiyo khilaaf dambe oo waqtiga ka lumiya xukuumadda uu dhisi doono. Nin xukuumadiisu noqon doonto mid tub keliya marto oon kala leexan, qofna lahayn awood ka baxsan tan qaranku siiyey.

 

Waxa habboon inaad dib u eegto horumarka muuqda ee la gaadhay. Xusuuso jidka Ceerigaabo. Dhowaan ayaan maray jidkaas oo soo koobay muddadii lagu safri jiray. Muu dhammaan bal se ciddii bilowday ayaa dhammeyn doonta ee u code.

Dalka waxa laga hirgeliyey mashaariic hore marineed oo taabanaaya dhinaca dhaqaalha, Ganacsiga, Wax barashada, iyo deegaanka. Dib u milicso ceelaasha tirada beelay ee laga hirgeliyey dhammaan goballada dalka. Ha moogaan MCH yada meel kasta laga dhisay. Meel kasta oon booqday aniga oo socdaalkeyga aan ku gaadhay dhammaan degmooyinka dalka min Lawyocaddo ilaa Ceerigaabo, waxaan soo arkay bulsho mahadisay horumarka Kulmiye.

Wey muujiyeen abaal celinta oo shalay ayey markhaati ma doon dhigeen. Dadka ikhtiyaarkooda isu soo abaabulay ee dariiqyada magaalooyinka iyada oo cadceedi jirto guclada ku yimid kheyriyooyinka iyo goobaha dadku isu soo baxa ka dhigaan magaalo kasta oo dalka ah. 9ka November, waa maalin xaqiijisay guusha Kulmiye. Waa maalin u quus goysay ciddii sida kale jecleyd.

U code KULMIYE oo caymi horumarka dalkaaga.

 

Mustashar Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

samotalis@gmail.com

https://www.facebook.com/aharwo/?ref=bookmarks

 

http://samotalis.blogspot.com/

Advertisement

Ku Xayeysiiso