Xisbulaahi oo Sucuudiga ugu Baaqday inaysan Faragalin Arimaha Daakhiliga ee Lubnaan


Kutlada Baarlamaanka dalka Lubnaan ee Xisbulaahi ugu Jira ayaa ugu yeedhay Sacuudi Carabiya in aysan faragelinin arrimaha gudaha ee dalka ka dib markii uu is casilay ra’iisal wasaaraha Saad Hariri sabtidii.

“Kutladu waxay taageertay habka madaxweynaha Lubnaan oo diiday inuu go’aan ka gaadho aqbalaadda iscasilaada ilaa Ra’iisul Wasaaraha Saad Hariri uu ku laabto dalkiisii hooyo,” ayuu yidhi Xasan Fadlallah, oo ka tirsan xisbiga.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso