Afkumaalka iyo nacmalahu danta wadanka ma wadaan?

Afkumaalka iyo nacamlahu danta wadanka ma wadaan?

Markaad eego dowlada somalliland xusbiyada qaranka waxaad is odhaynaysaa Somaliland waa dad guul wadayaal, iyo afkumaal ka kooban. Dadka astaamaha guulwadaynta lehi waxaay la wareegeen jagooyinka ugu sarsareeye ee dowlada. Lawareegista meelaha dowlada ugu sareeya, mediaha dowlada iyo xusbiyada qaranku waxaay sii xoojinaysaa dhaqanka xun ee munaafaqnimada ah ee guulwadaynta. Waxaad iswaydiin leh Guulwadaynta, nacamlaynta, afkumaalku ma qayb ka mid ah dhaqanka somalidaa mise arin ay dhiiri galiyaa dadka awooda dowlada gacanta ku haya.

Madaxweyne siilaanyo waxaa uu ahaa nin ay ka daacad tahay waxkaqabad duruufa adag ee wadankeena ka jira laakiin waxaad moodaa in ay taas xagal daacisay dadka astaamahaa leh ee wadankeena ku badan.
Ma fudada in la baalmaro dadka afkumaalka ah iyo guulwadyaasha midnaba. siiba marka aad madax u tahay dad aan dowladnimo aqoon, qabyaaladu iyo daroogona dishootay dhaqaalo iyo shaqo abuurna lahayn.
Dadka madaxda ahi afkumaalka waxaay u soo dhaweeyaan si ay isaga ilaaliyo sharkiisa oo wuxuu ku soo jeedin karaa dadkeena oo oral society ah islamarkaana xaga qabyaalada laga daaro. Guulwadahana marka qofka madaxda ah la khatargaliyo ayaa dadka madaxda ahi ay dugsadaan.

Waxaa cad in dadka sifooyinkaa lihi ay aakhirkii influencygareeyaa dadkeena isla markaana ay saamayn weyn ku yeeshaa bulshadeena oo dadku u maleynayaan dad fiican oo ku dayasho mudan.

Tani waxaay kale oo kaliftay in dad badan oo wacan ay ka fogaadaan dowlada iyo waxii la xidhiidha ama ay u xuubsiibtaan sifooyinkaas xun xun si ay u guulaystaan.
Astaamaha noocaas ahi wadamada ay ku badan yahiin, sida carabaha iyo Africa calaamka way ka hadheen. Tusaale ahaan wadan masar oo ah wadan weyn oo qadiimiya ah islamarkaana waxbarasho ahaan aad u sareeya maanta Somalia waxweyn ma dhaamo oo aan populationkaa ahayn.

Hadaba Haddii Somaliland doonayso in ay horumar la taaban karo samayso waa in madaxweynaha soo socdaa ka fogaado nacamlayaasha/guulwadayaasha iyo afkumaalka/dowlad cunka ah. Bulshaduna waa in ay taageerdo qofka la doortay qabiilkasta ha ahaadee gobolkasta ha ka yimaadee inta uu xilkiisu dhamaanayo. Haddii aynu shacab ahaan taageerno dowlada madaxweynuhu wuu ka kaaftoomi karaaa nimanka sifooyinkaa leh.

Suleiman ducale diriye
maqaalka danbe waxaa kaga hadli qabyaalada

Advertisement

Ku Xayeysiiso