Sidee Ayaan Wakhtigayga U Maareeyaa? W/Q Kadim Ali

Maqaalka aynu qormadan ku soo qaadan doonaa waxa uu noqon doonaa:

SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA?

Wakhtigu waa shayga ugu qaalisan ee qofkastaa leeyahay. Wakhtigu waa galad ALLE oo u baahan in si wanaagsan looga faaidaysto, waana furaha aynu ku hagaajin karno nolosheena adduun iyo akhiroba.

Waxa dhab ah in qofkasta oo noloshan gaadhay heer la hiigsado lagana sheekeeyo , ay sabab u ahayd sida uu uga faaidaystay wakhtigiisa.

Marka laga hadlayo maaraynta wakhtiga waxa loo maarayn karaa siyaabo kala duwan. Maqaalkan waxaynu ku  qaadan doonaa qaar ka mid ah:

  • Samayso qorshe wakhti dheer ah oo hawl-fulineed oo ku salaysan hadafkaaga. Qorshahaas oo noqon kara sanad , afar bilood ama lix bilood.

Qodobkani laba shay ayaa uu u baahan yahay , waa ta koowaade waa inaad taqaan marka hore noocyada ahdaafta ee kala duwan.

Waayo inta badan nooc kasta oo noocyada ahdaafta ka mid ahi , waxa uu u baahnaanayaa acmaal u gaar ah. Sidoo kale waxaa dhici karta in ahdaaftaada qaar ay acmaal wadaagaan. Tusaale ahaan hadafkaaga ku saabsan Caafimaadkaaga waa uu ka acmaal duwanaanaya kaaga ku saabsan waxbarashadaada.

( maqaal kale ayaynu ku qaadan doonaa noocyada ahdaafta insha Allah)

Marka labaadna waa inaad qorshaysaa hadafkasta hawsha iyo acmaasha uu u baahan yahay in la qabto si loo gaadho. Waayo haddii aanad qorshayn ama aanad garanayn hadafkan sida loo gaadhayo , waxa kaaga lumaya wakhti badan inta aad kolba camal malayn ku dhisan ama aqoon darro ku dhisan , aad ku tijaabinayso gaadhista yoolka aad doonaysay inaad gaadho. Laakinse bal ila eeg markaad garanayso waxaad doonayso ( HADAF) , garanaysana wadadaad u maraysay ( ACMAAL)

Tusaale ahaan waxaad doonaysay inaad miisaan iska rido 15kg..(HADAF)..muddo lix bilood gudaheed ah . Waxaad u baahan tahay markaas inaad cunada iska yarayso , inaad jimicsato ama GYM gasho, IWM. (ACMAAL)

 

  • Samayso jadwal todobaadle ah oo aad ku qorayso acmaasha aad u baahan tahay inaad samayso todobaadkan si aad ahdaaftaadii kala duwanayd u gaadho.

Sida aynu ogsoon nahay bilaha iyo sanadkuba waxay ka kooban yihiin todobaadayo. Sidaa darteed acmaashii aad qorshaysay u qoondee wakhti  todobaad kasta  , ilaa laga gaadhayo xilligii aad doonaysay inaad yoolkaaga gaadho.

(OGSONOOW 6 BILOOD =24 TODDOBAD).

Tusaalihii hore waxaynu ku soo qaadanay inaad doonaysay inaad 15kg iska yarayso muddo lix bilood ah. Imikana waxaad is weydiinaysaa qodobkan labaad su’aashan oo kale :

maxaan qabtaa todobaadkan iyo 23ka todobaad ee soo socda (acmaal) si aan ahfaadtayda u gaadho? Tusaale hadafkii ahaa iska rid 15kg)

Todobaad kastana diyaari acmaasha ku haboon ee ku gaadhsiin karta hadafkaaga. Sidoo kalena Todobaad kasta ama bilkastana is weydii s’aashan:

Acmaasha aan todobaadkan ama bishan qabtay ma yihiin qaar hadafkaygii ii dhaweeyay?

(Tusaale hadafkii ahaa iska-rid 15kg) ?

Acmaashana Waxaad u samayn kartaa tusaale ahaan sida tan :

Saddex maalmood GYM-ka tag , habeenkii cashada iska daa , IWM.

Qodobkani waxa uu kaa caawinayaa inuu noqdo hadafkaagii ahaa “6 bilood ka dib” iyo ahdaaftaadii kaleba ay noqdaan qaar ay acmaal kooban oo aad si joogto ah u samayso todobaad kasta ay sabab u noqdaan inaad gaadho .

 

  • Samayso saacad gaar ah maalin kasta , ama todobbaad kasta hal maalin una qoondee camal u khaas ah.

Tusaalihii hore hadaan mar saddexaad soo qaato , maalinkasta oo jimce ah waa inaad  ciyaartaa kubbad ama lugaysaa ilaa 1km si miisaan kaaga dhaco.

Tusaale kale habeen kasta saacadu markay tahay 9ka habeenimo ilaa 10ka  dhagayso TAFSIIRKA idaacada QURAANKA ka baxa , IWM.

Qodobkani waxa uu ku haboon yahay  hadafka noloshaada oo dhan wanaajinaya oo ah barashada DIINTA. Waxaana  ila fiican inaynu ka dhigno wakhtigan mid gaar u ah Aakhirodeena. Waayo camalkani waxa uu noqon karaa mid u dhigma xadiiski rasuulka (SCW) ee ahaa:

( camal la qabto waxa ugu wanaagsan ka uu qofka la imanayaa joogteeyo haba yaraado camalkaasiye) (BUKHARI 6465).

 

  • Ka faai’dayso wakhtiga ku haboon shakhsiyadaada. Qofkastaa waxa uu leeyahay xilli uu hawlo kala duwan qaban karo , una qaban karo si fir-fircooni ku jirto. Dadkuna intooda badan waxay u qaybsamaan laba : qaar subaxii fir-fircoon , iyo qaar habeenkii fir-fircoon. Markaas waa in qofkastaa ogaado xilliga uu ugu fir-fircooni iyo feejignaan badan yahay , si uu (ACMAASHA) ahdaaftiisa gaadh-siinayasa u qabto wakhtigaas.

Tusaalihii hore waxaad doonaysay inaad iska rido miisan ah 15kg. Sidaaa darteed   waa inaad baadhid xilliga aad u malaynayso inaad fir-fircoon tahay ee aad si wanaagsan u jimicsan kartid,  ma subaxbaa , galab , mise waa habeen? Dabadeeto acmaashaas qabo xilligaas.

Qodobkani waxa uu inaga caawinayaa inaynu ka faaidaysano wakhtiga aynu dabeecad ahaan ugu waxqabad badnaan karno. Taas oo meesha ka saaraysa inaynu camal qabano wakhti aynaa diyaar ahayn maskax ahaan iyo nafsi ahaan , waxaana aynu ka badbaadaynaa wakhti inaga luma.

 

Ugu dambayntii marka aynu doonayno in aynu gaadhno hadaf ka mid noocyada hadafyada , waxa aad u wanaagsan inta aynaa bilaabin in aynu marino kuna qiyaaso afartan si wakhti aanu inooga lumin. Sidoo kalena isticmaalno hababkasta oo aynu is leenahay wakhtiga ayay idinka caawinayaan inaad si fiican uga faaidaystaan.

Waxaan ka soo qaatay buugga :

(10 shay oo aan jeclaa inaan ogaado inta aanan jaamacad bilaabin) (AFCARABI )

(DR YASIR ABDIKAREM BAKAR).

Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:

https://medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso